Sheekh(Xogsoormedia.com):- Hal Qof ayuu dhaawac ka soo gaadhay rasaas askari boolis ahi uu riday ka din markii ay koox dhalinaro reer Burco ah oo dalxiis u yimi Buurta Sheekh iyo Boolisku isku dhaceen,sida uu taliyaha saldhigga booliska ee degmada Sheekh u sheegay Wargeyska Dawab.
Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Sheekh Ammiin Maxamed Cabdi,ayaa ka hadlay shaqaaqo dhex martay booliska degmada iyo koox dhalinyaro ah oo dalxiisayaal ah oo ka yimi magaalada Burco oo tegay Buurta Sheekh isla markaana ay halkaa ku dhex martay shaqaaqo uu ku dhaawacmay hal qof oo ka tirsan dhalxiisayaasha ka yimi Burco.
Taliye Ammiin ayaa intaa ku daray in dhibaatada ugu way nee imika ka jirta degmada Sheekh in ay tahay dalxiisayaal dhalinyaro ah oo ka imnaya magaalooyinka Somaliland oo uu sheegay in iyagoo koox koox ah oo si anshax xumo ah u balisan oo wiilal iyo gabdho ah in ay imanayaan Buurta Sheekh isla markaana ay iska gelayaan Beeraha deegaanka oo ay wax ka goosanayaan taasina ay keento marar badan in ay isku dhacaan kooxaha dhalinyarada ah iyo beeralaydu.
Waxaa kale oo uu sheegay in wiilka shalay ku dhaawacmay shaqaaqada ay sameeyeen kooxda dalxiiska ahi sameeyeen ay ka dhalatay ka dib markii askartu ay joojisay ee ay ku tidhi si nidaamsan u socda oo cid masuul ah iska soo saara oo idiin hor jooge ah taasoo uu sheegay in ay diideen ka dibna ay askariga ku dhaqaaqeen oo ay damceen in ay qoriga ka qaadaan kadibna askarigu xabad uu riday oo dhulka ku dhacday ay danab kacday oo ay wiil ka mid ah dalxiisayaasha ay lugta kaga dhacday kaasoo uu dhaawiciisu ladan yahay loona qaaday Cisbitaalka guud ee magaalada Burco hadana lagu dawaynayo.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray Taliye Ammiin in ay xidheen askarigii xabadda riday.
Taliyaha oo waraysi kooban khadka ilifoonka ku siiyay wargeyska Dawan,ayaa isagoo ka jawaabayay su,aal aanu ka waydiinay shaqaaqada halka qof ku dhaawacmay iyo siday u dhacday,waxaa uu yidhi. “Horta magaalada Sheekh waxaa ku taalla Buurta way nee dawgu maro waxaanan ku qabnaa dhib aad iyo aad u wayn oo aan kala joogsi lahayn taana waxaa u sabab ah dhalinyaro wiilal iyo gabdho ah oo intay kooxo kooxo isu soo kaxaystaan iyagoo aanay cidina wadin isguulna aan ahayn oo si ansha ka baxsan u soo labista oo wax yar oo qafiif ah habluhuna soo gashadaan wiilashuna garan iyo surwaal gaaban soo xidhaan ayay buurta yimaadaan oo ay cidlooyinkaa isula soo baxaan waxaasina maaha dalxiis ee waa dhaqan xumo waalidkana waxaan leeyahay oo aan u dardaarayaa ubadkiinu markay idinka imanayaan ogaada halka ay tegayaan iyo cidda masuuliyadooda qaadaysa ee kaxaynaysa, hadaan u soo noqdo sida uu ku dhaawacmay wiilkan maanta(shalay) xabadu ku dhacday,waxay ahaayeen koox dhalinyaro ah oo Burco ka timi oo Buurta tegay waxaanay u socdeen si bilaa qaab ah ardayna may ahayn cid masuul ah oo wadayna may jirin markii ay askartu ku yidhaahdeen cid idinka masuul ah iska soo saara oo idin wada way diideen waxaanay iku dayeen in ay askariga qoriga kaba qaadaan ka dibna xabad ayuu riday oo ku dhacday dhulka xabadii ayaana danab kacday oo wiil ayay kaga dhacday lugta dhaawiciisuna wuu fudud yahay,waxaanan u qaaday wiilkii dhaaaca ahaa Burco oo imika waxaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka guud ee Burco waanu fiican yahay.”
Taliyaha oo aanu waydiinay sababta keentay in ay khatar ku hayaan dalxiisayaashu degmada Sheekh,ayaa ku jawaabay.
“waxay khatar noogu hayaan waxaa noo yimaada wiilal iyo gabdho dhalinyaro ah oo aanay cidina wadin oo waliba Faashash sita oo intay buurta sial tagaan bannaanada seexda oo aanu habeen kasta ka soo ruurinaa oo aanu saldhiiga seexinaa subaxdana dib u celinaa waxaa kale oo khatar ay ku yihiin ammaanka oo intay beeraha iska galaan ayay waxay doonaan ka goostaan kadibna waxaa uu dagaal dhex maraa dadka beeralayda ah waana sababta ay faashashka u soo qaataan,waxaa kale oo ay khatar ku yihiin akhlaaqda wanaagsan iyo dhaqanka Islaamka ee suuban oo waa wiilal iyo gabdho isla soo baxay iyadoo hablhu aanay xidhnayn wax asturan oo ay iska qaawanaan yihiin iyo wiillal dhafooro xiiran oo saraawiil gaa gaaban iyo garamo xidhan oo ku odhanaya dalxiis ayaanu nahay ayaa buurtii wareeriyay,kuma jiraan kuwa isguulada ka yimaadda oo kuwa ardayda ah inta badan macalimiintooda ayaa la socda laakiin kuwa dhibaatada nagu hayaa waa kuwa iska socda. Markaa waalidiinta waxaan ku dardaarayaa in ay ogaadaan halka imahoodu tegayo iyo cidda kaxaynaysa ee masuuliyadooda qaadaysa,waxaa kale oo aan kaantaroolada magaalooyinka ay ka soo baxayaan iyagana ku adkaynayaa in aanay soo dayn dhalinyaro kalidood ah oo sheeganaya in ay soo dalxisayaan.”
Taliyaha oo aanu waydiinay halka uu ku sugan yahay askarigii xabada riyday,ayaa yidhi. “Askarigii wuu xidhan yahay waxaanan u soo dhaadhicin qaybta booliska Gobolka Saaxil ee Berbera imikana waxaan la joogaa wiilkii dhaawacmay oo Burco lagu dawaynayo dhaawiciisuna wuu fudud yahay.”
Ayuu yidhi Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Sheekh oo u waramaya wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Burco oo uu geeyay wiil askari ciidankiisa ka tirsani uu dhaawacay.