Guusha Maayar Khaan Waa Guul U Soo Hoyatay Muslimiinta Reer Yurub

0
270

London(Xogsoormedia.com):- Markii ugu horraysay ayay caasimadda ugu wayn dawladaha reer galbeedka isla markaana siyaasadda caalmaka laga hagaa ay taariikhda yeelatay Maayar Muslim ah kadib markii uu ku guulaystay doorasho uu gu tartamay  Mr. Sadiq Khan oo 45-jir ah,  waxaa loo doortay oo uu ku guulaystay Maayarka Caasimadda Caasimadaha adduunka ee London.. Waa nin muslim ah oo waliba asal ahaan aan dalka Boqortooyadda Ingiriiska aan  u dhalan.

 000000000000002

Laakiin  dedaal dheer oo uu galay iyo halgan aan joogsi lahayn oo uu ku jiray ayaa sabab u noqday in uu ku guulaysto Duqa Caasimadda Caasimadaha Caalamka. Mr Khaan oo muddo badan ku soo jiray siyaaggii la tartamayay isagoo ka soo baxay kana sharaxnaa xisbiga Shaqaalaha ee dalka Ingiriiska.

Guusha uu gaadhay Mr Khaan ayaa ah mid u soo hoyatay guud ahaan bulshooyinka kala qoomiyahada ah ee Muslimiinta ah ee Ingiriiska ku dhaqan gaar ahaan kuwa reer London.

Tallaabadan guusha Maayarka Islaamka ah ayaa saadaal u noqon karta in dawladaha reer Galbeedka  in ay ka soo bixi karaan madax Muslimiin ah oo talada iyo siyaasadda dalalka reer galbeedka saamayn wayn ku yeesha.

 Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here