Hargeysa(Xogsoormedia.com):- waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah waraysi aad u xiiso badan oo uu wariye Cabdilaahi Xaaji la yeeshay ku dhawaad sodon sano ka hor Marxuum Fannaan Maxamed Saleebaan Tubeec.
waraysigan oo aba qaybood ahaa waxaanu qaybtan idiinku soo xulnay in aad ogaataan xidhiidhka Fanka iyo Qoyska reer Tubeec.
waxaanu Marxuum Fannaan Maxamed Saleebaan qaybta waraysigan kaga hadlayaa Hal,abuurnimadii Suugaameed ee Aabbihii.
waxaanu ka sheekaynayaa gabayo uu Aabbihii Marxuum Saleeaan Tubeec tiriyay xilliyo kala duwan.
waxaana jirta in qoyska reer Saleebaan Tubeec ay fanka ku badan yihiin Jaamac Saleebaan Tubeec ayaa isna ah Abwaan iyo suugaan yahan riwaayado iyo suugaan badan leh.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland