War: Deg Dega
Mudisho(Xogsoormedia.com) Magacaabista gudoomiyaha maxakamada sare ee Soomaaliya ayaa buuq iyo sawaxan ka dhashay ka dib markii uu madaxweynaha Soomaaliya uu soo magacaabay.
waxaanay sheegeen xildhibaanadu in ay sharci daro tahay magacaabista uu madaxweynuhu magacaabay gudoomiyaha cusub ee maxakamada sare.
sidaasna waxaa shabakada Xogsoormedia.com u xaqiijiyay xildhibaan Cabdala Xaaji Cali oo ka mida mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdala Xaaji Cali kana tirsan mudanaayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay xilka qaadista uu Madaxweynaha Soomaaliya ku sameeyay gudoomiyaha Maxakamada sare Mudane Ilka Xanaf.
Waxaanu sheegay xildhibaanku inay isugu yimaadeen shir ay ku diidan yihiin xilka qaadista gudoomiyaha madaxakamada sare.
Sidoo kale waxaa uu xildhibaanku intaas raaciyay inay awoodooda sharci u isticmaali doonaan madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, talaabadaan uu qadayna ay tahay mid sharci daro ah oo sharciga baalmarsan.
“Madaxeynaha Soomaaliya waxaa uu ku kacay talaabo sharciga baalmarsan, awoodiisana kuma jirto inuu mid kale soo magacaabo , una dhaariyo gudoonka maxakamada sare iyada oo aanay Hay’ada sharci dajinta wadanku ansixin xilka qaadista gudoomiyaha maxakamada sare ee Soomaaliya, talaabadan madaxweyne xasan qaday waxaanu kaga jawaabi doona mooshin sharci oo aanu ku laalayno magacaabistiisa” ayuu yidhi xildhibaan Cabdala Xaaji Cali
Sidaasna waxaa uu xildhibaanku ku sheegay wareysi uu khadka telefoonka ku siiyay shabakada Xogsoormedia.com
Dhanka kale waxaa maanta bilaabantay shir ay albaabadu u xidhan yihiin oo lagu diidan yahay, digreetada uu soo saaray madaxeyne Xasan Sheekh.
Shirkan ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa ahaa mid ay warbaahintu dibad ka joog aheyd, waxaana la sheegay in shirkani uu daarana xillka qaadista gudoomiyaha maxakamada sare ee Soomaaliya Mudane Caydiid Ilka Xanaf.
Waxaanay sidoo kale golaha baarlamaanku ay sheegeen inay ku adkeysanayaan inuu Caydiid Ilka Xanaf yahay gudoomiyaha maxakamada sare Soomaaliya xilka qaadista madaxweynaha Soomaaliyana ay tahay Mid Sharci Daro ah.
Xogsoormedia.comn
Hargeysa Somaliland