Atletico Madrid Oo Guul Darro Ku Sagootiday Bayern Iyo Macalinka Ka Sii Tegaya

0
339

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Kooxda Atletico Madrid ayaa markii labaad seddex xilli ciyaareed  waxa ay iska xaadirisay finalka Champions League ka dib markii ay labadii kulan ee  ee semi-finalka Champions League ay sharciga goolasha martida kaga soo gudbeen kooxda Bayern Munich oo ay guul darro ku sagootiyeen Bayern iyo Macalinka ka sii socda ee u wareegaya Horyaalka Igland oo kulankii caawa ku badisay 2-1 balse Atletico ay gurigeeda kulankii lugta hore ay ku soo badisay 1-0. Kulankan ayaa sidoo kale waxaa la badbaadiyay labo rigoore oo ay labada kooxood iska heleen.

Tababare Pep Guardiola ayaa kulankaan ku soo talo galay shax ciyaareed weerar ah isagoo ku soo bilaabay Thomas Muller iyo Franck Ribery kuwaasoo kursiga keydka fadhiyay kulankii lugta hore ee ay Atletico Madrid 1-0 ku soo badisay, halka tababare Diego Simeone uu kaliya hal bedel ku sameeyay shaxdiisii isbuucii hore, waxaana ku soo laabtay kaliya daafaca Godin oo taam u noqday kulankaan.

2-1

Sidii la filanayay qeybta hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid hal dhinac ah, Bayern Munich oo weerar joogta ah ku aheyd goolka Atletico Madrid iyo kooxda reer Spain oo daafac adag xiratay, kooxda Jarmalka ayaana heshay 13 darbo ka hor inta aysan fursad u helin inay shabaqa soo taabtaan daqiiqadii 31aad ee ciyaarta.

Kooxda martida loo ahaa ayaa loo dhigay laad xor ah xariiqda D ee u dhow xerada ganaaxa, waxaana isku diyaariyay Xabi Alonso kaasoo si wacan u tuuray laakiin waxa ay lugta kaga dhacday xiddiga Atletico Madrid Jimenez taasoo keentay inay dib marto goolhaye Oblak, xiddiga khadka dhexe ee Spain ayaana hogaanka u dhiibay kooxda Jarmalka oo barbareeyay wadar ahaan natiijada labada kulan ee semi-finalka.

Seddex daqiiqo ka dib Bayern Munich waxaa soo martay fursad dahabi ah oo ay hogaanka ku qaban kareen markii Jimenez uu musaarico kula ciyaaray Thomas Muller xerada ganaaxa, garsooraha reer Slovenia ayaana si saxan u tilmaamay gool ku laad. Waxaa u soo istaagay Thomas Muller laakiin waxaa si fantastik ah kaga badbaadiyay goolhaye Jon Oblak kaasoo sidoo kale kubadii ku celiska aheyd ka badbaadiyay Xabi Alonso.

234Bayern-Munich-v-Atletico-Madrid

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ciyaarta ku heysay Bayern Munich, iyadoo goolhaye Jon Oblak uu Bayern ka diiday inay goolal badan ka dhaliyaan inkastoo kubada ay intooda badan heysteen iyagoo qeybtii hore kaliya helay 17 darbo marka loo eego Atletico oo heshay labo darbo.

Qeybtii labaad ayaa iyadana ku bilaabatay si la mid ah, laakiin tababare Diego Simeone ayaa taatikada kooxdiisa wax ka bedelay bilowgii qeybta labaad isagoo bixiyay Augusto Fernandez, waxaana uu soo geliyay Yannick Ferreira-Carrasco, taasoo u sahashay inuu shax ciyaareedka kooxdiisa ka dhigo 4-4-1-1.

Bayern Munich ayaana ku ciyaareysay qeybta garoonka ee Atletico Madrid, laakiin daqiiqadii 54aad ayaa laga yaabsaday oo waaga uu ku baryay, kubad ay Atletico iska soo bixisay ayaa waxaa helay Antonie Griezmann kaasoo madax ugu baasay Fernando Torres kaasoo isna aan ka daahin islamarkaana kubada sii daba raaciyay Griezmann, waxa ay kubada dhaaftay Alaba taasoo keentay in Griezmann uu la kor tago goolhaye Manuel Neuer islamarkaana uu shabaqa ka soo taabto.

Goolkaas ayaana ahaa goolkii 7aad ee uu Antonie Griezmann uu ka dhaliyo Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana ay ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah iyadoo Atletico ay hogaanka 2-1 ku qabatay wadar ahaan natiijada labada kulan ee semi-finalka.

Bayern Munich ayaana ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 74aad iyagoo ka mirodhaliyay weerarkoodii joogtada ahaa, markii karoos uu soo dhigay David Alaba iyadoo madax uu ku baasay Arturo Vidal taasoo u sahashay Robert Lowendowski inuu si sahlan madax ugu dhaliyo kubada, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo ay Bayern Munich ku hogaamineysay, balse ay Atletico heysatay faa’idada goolasha martida.

Kooxda Pep Guardiol ayaana baadigoob xoogan ugu jirtay goolka kaliya ee ugu harsanaa inay xaqiijistaan booskooda finalka Champions League ee 28ka bishaan May ka dhacaya garoonka San Siro ee magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.

Daqiiqadii 83aad mar kale Bayern Munich ayaa indhaha taagtay markii garsooraha uu tilmaamay rigoore markii Fernando Torres uu kubad ku soo dhex qaatay Phillip Lahm iyo Javi Martinez iyadoo Martinez uu banaanka xerada goolka ku taabtay balse El Nino uu ku dhex dhacay xerada goolka.

Fernando Torres ayaana u soo istaagay rigoorada, laakiin si la mid ah sidii Thomas Muller, waa laga badbaadiyay El Nino iyadoo Manuel Neuer uu bixiyay kubada taasoo neefta ku soo celisay jamaahiirta garoonka Allainz Arena.

Goolhaye Jon Oblak ayaa isna mixnad ku noqday Bayern Munich isagoo ka badbaadiyay kubado loo fishay goolal halka Atletico ay iyadana kubada u difaacaneysay si adag si ay u ilaashadaan faa’idadooda goolasha martida ah.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 2-1 oo ay Bayern Munich ku badisay balse madaama ay labada lug barbaro 2-2 ah noqdeen wadar ahaan, waxaa sharciga goolasha martida ah ku soo baxday Atletico Madrid oo iska xaadirisay finalka Champions League ee ka dhacaya magaalada Milan dhamaadka bishaan.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here