Wasaaradda Madaxtooyada Oo Shir U Gooniya Ka Yeelatay Qaban Qaabada Xuska Qaran Ee 18 May

0
367

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland,ayaa shir u gooniya ka yeelatay qaban qaabada xuska 18,ka May oo ah 25 guurada ka soo wareegtay maalintii Somaliland ay ka go,day Soomaaliya isla markaana ay  la soo noqotay Xorriyadeedii luntay lixdankii.

Masuuliyiinta Wasaaradda Madaxtooyada,ayaa shirk u qabsaday Qasriga Maxadtooyada isal markaana kaga wada hadlay hannaanka loo xusayo 25 guurada maalinta madaxbannaanida Somaliland.

may

Kulankan oo uu guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi  isla markaana ay ka soo qayb galeen Wasiirudawlaha Wasaaradda Madaxtooya Maxamed Muuse Abees iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Marwo Khadra Xaaji Gaydh  iyo Afhayeenka Madaxtooyada  Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye,ayaa lagaga wada hadlay qaabka ugu wanaagsan ee sanadkan loo xusayo debbaal degga qaran ee 18,May.

Kulanka ay masuuliyiinta Wasaaradda Madaxtooyadu qabsadeen ayaanay ka  qayb galin laamaha kale ee dawladda ee uu quseeyo isla markaana ku shaqada leh qaban qaabada xuska qaran oo ay ugu horrayso Wasaaradda Arrimaha gudaha oo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka ee uu xusku ka qabsoomayo ka hawl gasha iyo wasaaradaha sida wayn uga qayb qaadanaya  oo ay ka mid tahay Warfaafinta.

Waxaa kale oo aanay ka qayb galin kulanka wasaaradda Madaxtooyadu ku lafo guraysay sida loo qabanayo  xuska maalintan qaran ee la wada leeyahay qaybaha kala duwan ee ay qusayso sida asxbaabta qaranka ciidamadda kala duwan ee dalka,Wasaaradda Waxbarashada,ururada bulshada iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee ummada Somaliland oo maalintan wada xusaya isla markaana wada leh.

Hadaba waxay iswaydiintu tahay goormay Wasaaradda Madaxtooyada oo kali ahi la wareegtay qaban qaabada xuska qaran ee 18 May.

Qoraal ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo lagaga hadlay kulanka Wasaaradda Madaxtooyadu ka yeelatay qaban qaabada xuska 18 May,ayaa u dhignaa sidan.

Taariikh: 03/05/2016

WAR-SAXAAFADEED

Shir balaadhan oo ku saabsan qaban-qaabada iyo habsami u qabsoomidda sanad guurada 25aad ee dabaaldegga 18-May, maalinta la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland, ayaa lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland,

Shirkan oo uu guddoominaayey wasiirka wasaaradda Madaxtooyadu Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ay wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Geydh), iyo afhayeenka Madaxtooyada, ayaa iyaguna waxa xaadir ku ahaa dhamaan madaxda waaxyaha iyo qaybaha wasaaradda Madaxtooyadda.

Shirkan waxay ka qaybgalayaashu ku lafo gureen ujeedadii laga lahaa oo ahayd sida ugu haboon ee uu u qabsoomayo dabaaldeggan maamlmuhu inaga xigeen oo ah mid rubuc qarni ka soo wareegay dib u soo celinta madaxbanaanida dalka, kaasoo la filayo inuu noqdo mid taariikhi ah, iyadoo madaxtooyadu tahay tan tusaalaha u ah qaban qaabada iyo habsami u socodka fantisiyahan wayn ee loogaga diyaar garoobayo gobolada, degmooyinka, tuulooyinka, deegaamada iyo dunida ay ku dhaqan yihiin shacbiga Somaliland.

Ka qaybgalayaashu waxay soo bandhigeen, waayo aragnimadoodii dabaaldegyadii hore ee 18-May loo qabtay, wixii goddoloolooyin ah ee ay lahaayeen, kuwaas oo ay taxeen, midmidna loo falanqeeyey duruusta laga baran karo, sidii aanay mardanbe u dhici lahayn, waxaan loo baahnayni.

Rog-rog badan iyo falanqayn dheer ka dib, waxay masuuliyiintu oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradda Madaxtooyadu, ay soo jeediyeen talooyinka ugu haboon ee ay u arkayeen inay xal iyo sixitaan u noqon karto wixii laga dooday ee laysla gorfeeyey, iyagoo masuuliyiintu soo jeediyey in meel looga soo wada jeedo, gacmahana laysku qabsado sida ugu toosan ee ay ugu qabsoomayso xuska iyo damaashaadka 18-May, isagoo hore madaxweynuhu ugu dardaraay ummadda Somaliland in sanad guuradan la muujiyo qiimaha iyo qaayaha ay ugu fadhido shacbiga Somaliland maalintani, beesha caalamkana la tuso in aan madaxbanaanida Somaliland aanay wax-gorgortan ah lahayn, kuna daabacan tahay quluubta ummadda, sidii ay uga soo goday so laabashada madaxbanaanidooduna ay ku soconayso.

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here