Somaliland Oo 25 Sano Ka dib Xidhiidh Wanaagsan La Yeelatay Wadamada Carabta

0
316

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Somaliland iyo dunida carabtu hore xidhiidh la odhan karo uu qoto dheer yahay hore umay lahayn iyadoo halkaas ay ka jirtay fursad la dayac oo aad moodo inaan danba laga lahayn, hase ahaate mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo baxay fursado badan oo ka yimi dhanka carabta, kuna soo baxay dadaal dheeri ah oo la galiyey.

Somaliland iy Carabtu waxay haleen biriish (Bridge) isku xidha oo aad moodo inuu aad u raagay, ilaahay mahadii wuxuu noqday isku xidhe adag oo aan marnaba lagu tilmaami Karin jid daciif ah, waxaa dalka ku soo batay oo gurmadkii abaaraha ee ugu dambeeyey kaalin mug leh ka qaatay wakiilo carabeed oo dhulweynaha carabta ka kala socda.

Waa marag ma doon inay taasi ku timi dadaalka safiirka iyo kooxda la shaqaysa ee uu madaxweynuhu u magacaabay isu taga imaaraadka carabta (United Arab Emirates) Mr Baashe Cawil Cumar. Somaliland waxaa laga hirgaliyey duulimaad ay leedahay diyaaradda fly Dubai taas oo sheegtay in socdaalkeeda Somaliland dadka raacaya ay ku dhoofi karaan waraaqaha socdaalka ee Somaliland (Somaliland Passport documents), isla markaana lagu tagi karo

  1. South Africa

2- Ethiopia

3- Djibouti

4- Belgium

5- United Kingdom

6 – France

7- South Sudan

Mashraacida dhanka wax soo saarka ee biyuhu waxay ka mid tahay shaqada adag ee uu hayo Amb. Baashe Cawil Cumar ka midho dhaliyey mudadii yarad ee uu xilka hayey, waana mid laga wada dareemay dalka, isla markaana mudan in looga mahad celiyo.

Qoraale kale oo taxane ah ayeynu kaga hadli doonaa faa’iidooyinka uu soo kordhiyey magacaabista Amb. Baashe Cawil iyo waxyaabaha ka dhashay ee mustaqbalka u noqon kara shacabka Somaliland, isla markaana uu kaga duwan yahay safiirada kale ee inoo jooga wadamada kale.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here