Hargaysa (Xogsoormedia.com)- Iyada oo mudo 14 sano ah laga joogo markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore Somaliland Mudane Maxamad Xaaji Ibraahin Cigaal, maanta ay ku began tahay maalintii xuskii ka soo wareegay mudadaasi uu mootan yahay Madaxweyne Cigaal.
Ayaa marwadii uu qabi Jiray Madaxweynihii hore Somaliland Marwo Kaltuun waxaa ay deeq xoola noola ku wareejisay agaasimaha cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa si loogu qalo dadka bukaan jiifka ah ee yaala cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo ka dhimirka iyada oo ula niyootay Marxuun Maxamad Xaaji Ibraahin Ciaal.
Waxaana deeqdan xoolaha ah marwad ka gudoomay agaasimaha guud ee cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar.
Agaasimaha guud ee cisbitaalka Hargeysa oo ugu horeyn isagu halkaas ka hadlay ayaa marwada uga mahad naqay deeqdan xoolaha ay soo gaadhsiisay marwo Kaltuun waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadllaya “illaahay ayaa mahad leh waxa aanu soo dhawaynaynaa Marwo kaltuun Xaaji Daahir waxana aanu uga mahadnaqaynaa deeqdan ay noo keentay maanta ee Adhiga ah, ee ay ugu deeqday dadka xanuusanaya kuna sugan cusbitaalka guud, waxana aanu illaahay uga maryeynaa marxuumka oo xuskii geeridiisa la taagan yahay kuna beegan 3-May, inuu ka siiyo sawaabtii iyo ajarkii deeqdani lahayd, waxanan illaahay u baryeynaa inuu madaxweyneheeni geeriyooday siyo oo uu isna u naxariisto sawaabka aakhirona illaahay siiyo, sadaqadan la bixiyeyna ay khayr ku gaadho, marwo adigana waxa aanu ku leenahay waad mahadsan tahay mar kale”.
Marwo Kaltuun Xaaji Marwada Madaxweynihii hore ee Somalland Maxamad Xaaji Ibraahin Cigaal oo iyaduna halkaas hadal kooban ka soo jeedisay ayaa waxaa ay tidhi “ “waa maalin weyn, waa illaahay mahadii iyadoo ay ku beegan tahay berri oo Salaasa ah 3dii May, xuskii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxanu doorbidnay wixii duco ah ee loo bixinaayey in aanu ku wareejino cusbitaalka guud ee hargeysa oo dad badan oo bukaan jiifi ku sugan yihiin, jifaana, taas oo sadaqo iyo waxwalba ugu filan marxuumka, illaahayna inta bukta ha caafiyo isagaa weyn oo dadkiisa caafiyee, intii dhimatayna Alle ha u naxariisto, cida aynu ula niyoonayna xasanaadkeeda iyo ajarkeedana ha ka sawaabiyo”
Hadaba Shacbiga Somaliland ayaa sanad walba, waxay xusan oo ay muujiyaan una duceeyaan Madaxweynihii geeriyooday ee qaranka Somaliland, shacbiguna ay meel ku suntadeen geerida marxuumka, iyadoo mar walba kala qayb gasha Marwo kaltuun Xaaji Daahir xusaska loo qabto marxuumka oo ay dhawr jeer muwaadiniinta reer Somaliland ka gala qayb gashay gudaha Hargeysa iyo gobolada dalka qaar ka mida oo lagu qabtay xusas baroordiiqa oo lagu xuso gaarida Madaxweynihii labaad ee Somaliland ka soo wareegtay, halka marwo kaltuun ay muddo badan iyagu ku keliyeysatay xusaskaa marxuumka.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland