Taliyaha Ciidanka Bada Somaliland Oo Xilkii Ku Wareejiyay Taliye Ku Xigeenkiisa Kana Hadlay Sababta Keentay Xilka Qaadistiisa

0
370

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Taliyihii hore ee ciidanka Badda Somaliland Sareeyo Guuto Maxamed Xuseen Xiirane ayaa ka hadlay sababta keentay in xilka laga qaado.

Taliyaha_cusub_ee_ciidanka_Badda_1

Maxamed Xuseen Xiirane waxa uu sheegay in sababta keentay xilka qaadistiisa ay ahayd markab soo gaadhay magaalo xeebeedka Berbera kaasi oo waday sahamin ku saabsan dhigista Xadhaka Khadka ee loo yaqaan Viper Optica kaasi oo ay xukumadu ka hor istaagtay in uu hawlahasi halkasi ka sii wado.

Taliyaha oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu ku bilaabay  hadaladkiisa “Dhacdadii markabka anuu amnigiisa si baan u arkayaay sidii ugu habonayd baanan go’aankayga ka yeelay ka go’aan ahaan aniga laakiin haday dawladu si kale u aragtay oo ay igu badashay waxba kama qabo oo waan soo dhaweeynayaa,  laakin anigu sidaan u arkay arintaa waxa lala wareegayaa waa intaa waa la iska badala kurisga waanana soo dhawaynayaa  ”

Hadalkan ayuu taliyihii hore ee ciidanka Badda Somaliland ka sheegay xilli uu maanta xilka ku wareejinayay ku xigeenkiisa.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland 

Khadarhoryaal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here