Madaxweyne Amar Ku Bixiyay Soo Qabashada Nin Fooqiisii Dumay

0
315

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa amray in lasoo xiro milkiilaha dabaqa ku dumay xaafadda Huruma ee magaalada Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof.

Hay’adda laanqayrta Cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay in wali la la’yahay illaa iyo 60 qof oo ku jiray dhismhaasi markii uu uu dumayay.

index9

Mr Kenyatta, oo Sabtidii booqday goobta uu shilka ka dhacay, ayaa ugu baaqay dadka ku nool guryaha halkaasi ka ag dhaw in ay meesha ka guuraan.

Mas’uuliyiinta dowladda hoose ee Nairobi ayaa xaqiijiyay in dabaqa uu ahaa mid aan la degi karin, isla markaana ay amreen in la dumiyo.

Milateriga Kenya ayaa horkacaya dadaalka lagu badbaadinayo dadka ku hoos jira burburka, waxaana ay adeegsanayaan gacmahooda maadaama aanay aagga geli karin qalabka culus ee loo baahan yahay.

Roob xooggan oo fatahaad sameeyayay, kaasoo shalay galab ilaa xalay ka da’yay Nairobi, ayaa sababay inuu dhismahaasi dumo.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in dhismaha dumay, oo la dhisay laba sano ka hor, uu hoy la’aan dhigay 150 qoys.

 Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here