Daawo Sawirada: Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Madaxweyne Xasan Sheekh Xadhiga Ka Jarey

0
393

Muqdisho(Xogsoormedia.com) Xili ay maanta ku began tahay 1-da May oo ah maalinta Shaqaalaha Aduunka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa uu xarigga ka jaray xarumihii wasaradaha Howlaha Guud iyo u dhiska iyo Wasaraadda Shaqada iyo Shaqaalaha, waxaana Munaasabadihii xariga looga jarayey ka qayb galay, Wasiirada Wasaaradahaasi Eng. Saalax Shiikh Cusmaan iyo Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Banaadir, Safiirka Dowladda Turkiga iyo marti sharaf kale.
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk








Madaxwaynaha oo ku hor maray Munaasabaddii xariga looga jarayey Wasaaradda Howlaha Guud dib u dhiska iyo Guryeynta ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaraddaas Eng. Saalax Shiikh Cusmaan oo ay wehliyaan Shaqaalaha Wasaaraddiisa kuwaas oo ku faraxsanaa in ay mar kale Wasaaraddoodii dib ugu shaqeeyaan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Ing Saalax Shiikh Cismaan ayaa ugu horayn warbixin ka siiyey Madaxwaynaha heerarkii uu soo maray Dayactirka Wasaarada waxa uuna hoosta ka xariiqay in dhismaha Wasaarada ay qayb ka qaaateen Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Shaqsiyaad kale oo muhiim ah oo uu ka xusay marwada Madaxwaynaha, waxa kale oo uu carabka ku duftay in aan la ilaawi Karin doorkii ay dayactirka Wasaarada ka qaateen Maamulka Gobolk Banaadir, Dowladda Turkiga iyo Hayadda SSG.

Madaxwaynaha ayaa markuu xariga ka jaray waxa uu soo kormeeray guud qolalka ay ka kooban tahay Wasaarada Howlaha guud, waxaana xafiis walba oo uu galo ay ku soo dhowaynayeen Shaqaalaha Wasaaraddaasi, waxa kale oo uu soo eegay xarigana ka jaraya Shaybaarka Wasaarada hawlaha guud oo lagu eegayo tayada qalabka dhismaha ee dalka la keeno.

Dhinaca kale Madaxwaynaha waxa uu xariga ka jaray Xarunta Wasasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo dayactir lagu sameeyey waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaraddaasi Cabdiweli Ibrahim Muudeey.

Intaa ka dib waxaa xarunrta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulahada lagu qabtay munaasabada 1-da May oo ku beegan Maalinta Shaqaalaha Aduunka.

Madaxwaynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa Hambalyo ka dib Wasiirada kale u soo jeediyey iney dib u dayactirtaan Xarumaha Wasaaaradooda kuna daydaan Wasiirada maanta dayactiray Wasaaradahooda, sidoo kale Madaxwaynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay iney dowladdu ku qasban tahay iney shaqo u abuurto Dhalinyada Soomaaliyeed ee waxbartay, waxa uuna wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ka codsaday inuu furo Sanduuq lagu daryeelo Naafada Soomaaliyeed waxa uuna ka dhawaajiyey inuu yahay Shaqsiga 1-aad ee bilaabaya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland 

Khadarhoryaal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here