Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xoghayaha Gobolka Maroodijeex Xamse Ciise Cabdi,ayaa saaka ku waabariistay isla markaana soo kormeeray guud ahaan goobaha diiwaan galinta Codbixiyeyaasha ee caasimadda Hargeysa oo si rasmi ah saakag uga bilaabantay guud ahaan gobolka Maroodijeex oo ay ka bilaabantay Diiwaan galinta Codbixiyeyaashu laba degmo doorasho oo gobolka Maroodijeex ah.
Xoghayaha Gobolka Maroodijeex oo socdaalkiisa uu ku kormeerayay goobaha diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Caasimadda Hargeysa bilaabay saaka lixdii subaxnimo,ayaa waxaa ku wehelinanayay wariye ka tirsan Shabakada Wararka ee Xogsoormedia.com.
Xoghayaha,ayaa markii uu soo dhameeyay kormeerkiisa uu subaxnimadii ka bilaabay Caasimadda Hargeysa xogwaran ka siiyay Xogsoormedia.com
Waxaanu sheegay in ay guud ahaan labada degmo doorasho ee Hargeysa iyo Salaxlay,ba ay si wanaagsan uga bilaabantay diiwaan galinta codbixiyeyaashu isla markaana aanay jirin goob kaliya oo ay ka habsaantay iyo goobo wax dhibaato ahi ay a dhaceen midnaba.
Waxaa kale oo uu ku ammaanay dadwaynaha Gobolka Maroodijeex iyo shaqaalaha diiwaan galinta Codbixiyeyaasha ee hawsha gacanta ku haya iyo ciidanka booliskuba sida wanaagsan ee wada jirka ah ee ay u wada shaqaynayaan.
“Guud ahaan diiwaan galinta Codbixiyeyaasha gobolka Maroodijeex ayaa saaka si rasmi ah u bilaabantay guud ahaana waxay ka bilaabantay laba degmo doorasho oo kala ah Hargeysa iyo Salaxlay. Guud ahaan Caasimadda Hargeysa oo ah 79 goobood dhamaantood waan soo wada maray si wanaagsan ayaanay uga socotaa diiwaan galinta Codbixiyeyaashu,waxaan aad iyo aad ugu Hambalyaynayaa bulshada Gobolka Maroodijeex oo si wanaagsan ugu soobaxay diiwaan galinta Codbixiyeyaasha,hawlwadeenada ka socda Gudiga doorashooyinka ee diiwaangalinta ka shaqaynaya iyo ciidanka booliska ee sida wada jirka ah u wada shaqaynaya.” Ayuu yidhi Xoghaye Xamse,waxaanu intaa ku daray in ay si habsami ah uga socoto diiwaan galinta codbixiyeyaashu deegaamada Daarasalaam oo 13 goobood ah,Laasgeel oo 9 goobood ah,Cadaadlay oo 11 goobood ah, Sabawanaag oo 26 goobood ah iyo Farawayne oo 19 goobood ah oo dhamaantood ka wada tirsan Caasimadda Hargeysa.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in degmada Salaxlay oo 27 goobood ah in ay iyana si wanaagsan uba bsocoto diiwaan galinta Codbixiyeyaasha ee gobolka Maroodijeex.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland