Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in rejadda Somaliland ee ah in ay anqoonsi ka hesho beesha caalamka ay tahay mid aad u wanaagsan, isla markaana aanay ka bedeli karin aqoonsi la’aantu himilada qaran iyo hammiga dawladnimo ee ay leeyihiin.
Hase yeeshee 25 sano oo ay Somaliland jirtay oo aanay beesha Caalamka aqoonsi buuxa ka helin in aanay rejada dadka iyo qaranka Somaliland in aanay waxba ka bedelayni.
Waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in xilalka loo dhiibo dadka reer Somalilad ee qurbaha ka soo noqday in ay ka qayb qaataan tahriibka dhalinyada taasoo uu ku sheegay laba aan is khusaynin.
Wasiir Cadami waraysi gaar siiyay warbaahinta qaranka isagoo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Somaliland, waa qaran dunida ka mid ah, caalamka meel aan wax wanaagsan iyo in ay horumar sameeyaan aan rejayninna ma jirto. Somaliland-na kuwaa kama duwana manay rejo dhigin. Intaa waxaan ku darayaa, Somaliland waxay rejaynaysaa qaranimada oo dhammaystiranta, aqoonsi caalami ah oo ay beesha caalamka ka hesho wax soo saar iyo isku filnaansho aynu gaadhno tacab iyo wax soo saar aynu samayno.
Taasina waxay ku imanaysaa in horumarka iyo wanaagga laga wada shaqeeyo oo sida imika Gudiga gurmadka abaaraha ee heer qaran illaa heer gobol iyo ardaydii iskuulada illaa kuwa ugu hooseeya iyo ganacsato, dawlad iyo shicib dal iyo dibadba la isugu xidhmay, in la isugu xidhnaado waana la gaadhayaa wax kasta oo wanaag ah laakiin waxaa la inooga baahan yahay dedaal iyo Samir”.
Waxaanu intaasi ku daray “Tusaale ahaan waxaa dalkeena yimid wefti ka socday madaxweynaha Jeejniya oo uu toos ugu soo diray Somaliland waligeena maynaan arag Jeejniyaan shicib ah oo Somaliland yimid iska daa mid Madaxweynahoodu soo diray’e. taana waxaa keenay wada jirka iyo midnimada aynu kaga hawl galay gurmadka abaaraha iyo baaqyada uu caalamka u kala diray Madaxweynaha qaranku iyo warbaahinta dalka ee xaalada abaaraha tabinaysay markaa iskaashigaas aynu ku wadno wax kasta oo wanaag ahna waynu gaadhaynaa”ayuu yidhi wasiir Cadami.
Ugu dambayn Wasiirka oo la waydiiyay in halista dhbaatada Tahriibta loo nisbayn karo Xukuumadda uu ka tirsan yahay oo qurbajoog tiro badan shaqaalaysay taasoo la odhan karo waxay ka qayb qaadatay hiyi kaca dhalinyarada badda ku dhamaatay,ayaa ku jawaabay.
“Maya taa lama odhan karo tahriibtu waa dabayl ina martay iyo laydh socota oo u baahan in wada jir wax looga qabto wax ka qabashadeeduna ay ka bilaabanto guriga ay ubadku ku nool yihiin oo ogaada ilmahooda iyo dhaq dhaqaaqiisa isla markaan wada jir looga wada hor tago halaagga tahriibta waayo? Waan ka damqanaynaa oo waan ka murugoonaynaa in maalin kasta intaasoo dhalinyaro mustaqbalkii dalka ahi in ay bad inagaga dhinato,laakiin Qurba joogga dalku waa kii dhaqaalaha ku bixinayay halgankii dalka dib loogu xoraynayay ee jabhad aan dhaqaale kale lahayn suura galiyay in ay dalkan xorayso,waa kii dib u dhiska dalka ka qayb qaatay ee dhidibada u taagay qarannimada Somaliland ee wax kasta oo eber laga bilaabay loola qayshanayay, qurba jooggu waa ka maanta soo biiliya inta badan qosaska reer Somaliland,qurba joogu waa ka dalka maal gashaday ee hantida galiyay markaa lama odhan karo marka uu qofku qurbaha kaba soo guuro ee uu dalkiisa yimaaddo yaan xil loo dhiibin oo isba shalay wuxuu hantidiisii kaga qayb qaatay dib u xorayntii iyo dib u dhiskii dalkiisa markaa qofka aqoontiisa ayay ku xidhan tahay shaqada loo dhiibayaa laakiin reer Somaliland abaal laawa yaal maaha halmaansan waxtarkii qurba joogga iyo tacabka dalka ka galay xaqna way u leeyihiin in ay dalka xilal qaran ka qabtaan ama ay maal gashi ganacsi ka abuuraan.” Ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com\
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com