Madaarka Hargeysa Oo Laga Mamnuucay Soo Dhaweyntii Masuuliyiinta Qaranka Iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyadda Loogu Sameyn Jiray

0
439

Hargaysa (Xogsoormedia.com)- Masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa soo saaray go’aamo lagu adkaynayo amaanka madaarrada dalka, gaar ahaan madaarka Hargeysa oo ay ka   joojiyeen shirarka jaraa’id ee lagu qaban jiray qolka nasashada ee madaarka gudihiisa  xilliyadda masuuliyiinta dawladda iyo madaxda axsaabta qaranku ay dalka ku soo laabtaan.

Sidaa waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo masuuliyiinta sar sare ee wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland si wada jir ah ugu qabteen madaarka Cigaal International Airport, waxaanay sheegeen in ay gabi ahaanba joojiyeen  soo dhaweynihii lagu qaban jiray gudaha Madaarkaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka  Cumar Sayid Cabdillaahi Aadan ugu horrayn faahfaahin ka bixiyey ujeedada shirkan Jaraa’id waxaanu yidhi  “Ujeedada aanu u qabanay shirka Jaraa’id, waxa weeye, in aanu ugu warbixino Amaanka guud ee Madaarrada Jamuuriyada Somaliland oo runtii meel fiican maraya, isla markaana uu yahay qaar la isku halayan karayo innaga oo dal ahaan ku naalla  mandaqad Xasaasiya, Ammaankeedu aanu fiicnayan hadda haddii ALLE yidhaahdo waxaanu ku guulaysanay, qadarka ILAAHAY  in Madaarradeenu si fiican u shaqeeyaan, hawlahoodii si fiican u wataan, amnigooduna uu noqdo qaar la isku halayn karayo, mar walbana waxaa muhiim ah wixii amnigaa dhibaato ku ah, in aanu wasaarad ahaan ka taxadirno siyaasad ka yeelano,  oo aanaan  meel kali ah istaagin ee aanu maalin walba tallaabo hore u qaadno si amniga loo xaqiijiyo.”

“Amniga Madaarrada Somaliland waxa caqabad weyan ku ah, oo waligoodna ku soo ahaa soo dhaweynaha faraha badan, ee lagu dhex qabto gudaha Madaarka, iyada oo Madaxweynaha Somaliland Marka uu Madaarka ka baxayana, dhammaan Dawlada iyo Dadka soo dhaweynayaaba gudaha galaan, Madaarka Salaanta lagu bixin jiray, sidoo kale Xisbiyada Qaranka iyo dadka kale ee Mudanka ee reer Somaliland-na  Qofka soo degaayaa iyo kii sii baxayaba ay tiro Dad ah oo faro badan ayaa iman jireen, arrintaa runtii wasaarada ahaan in badan ayaanu darsaynay, waanu u kuur galnay, waxana la isu wada waafaqay wasaarad ahaan in arrintaasi tahay arrin khatarteeda leh, oo aan saacidayanin hanaanka amni ee Madaarrada,waxaanu Madaxtooyada u gudbinay soo jeedin waana la naaqishay illaa Madaxweyanaha oo waa la isku raacay Arrintaasi in aanay ahayn Arrin la jaanqaadi karta waaqica,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda Duulistu.

Mr. Cumar-sayid oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “Madaxweynuhu isaga oo Arrintaas fulinaya ayaa socdaalkiisii uu ku tagay Dalka Kuwait Salaantii iyo shirkii Jaraa’idba Madaxtooyada ayaa lagu qabtay, Madaxweynaha iyo Tiro yar ayaa noo yimi, iyaga oo VIP-da maray oo aan cidna ogayn, sidaa ayey ku baxeen, soo degistiina sidaas oo kale ayey ahayad, markaa  Shirkayaga Jaraa’id waxa weeye, in aanu maanta halkan ka iclaamino in dhammaan soo dhawaymihii  iyo shirarkii jaraa’id ee Madaarka guduhiisa lagu qaban jiray aanu joonjinay, hadday tahay Asxaabta Qaranka, hadday tahay Madaxweyanaha qarankaba oo isugu hore noogu fuliyey, hadday tahay  Baarlamanka haddii ay tahay Mudanka Reer Somalilandba.”

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Duulista Axmed Nuur Faahiye oo isaguna Shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa ka waramay Mashaariic socota iyo qaar dhammaaday oo ay fulisay Wasaarada Duulistu, waxaanu yidhi   “Waxaanu dhisnay darbiyo Dhaadheer, oo aanu kor u kicinay, dhirtii waaweynayd ee koonfurta Madaarka ku taallay, waanu goynay,waxaanu samaynay oo kale Albaab laga soo galo Madaarka oo aanu ka dhisayno goob dadka lagu baadho oo aanu dhigayno Mishiinkii Hubinta Dadka iyo Alaabada si marka qofka kaas lagu soo baadho uu u yimaado oo lagu baadho kan uu hada baadhitanku ka bilaabmo.”

Wasiirka Wasaarada Duulista Cumar Sheekh Maxamed Faarax  ayaa isna ku dheeraaday Amniga iyo sida loogu baahan yahay, iyo qoraalo ay u gudbiyeen Xisbiyada Qaranka, waxaanu yidhi  “Waxaanu isku daynay in aanu wax ka qabanno intii suurto gal ah Nabadgalyada, Xasiloodi Madaarrada Somaliland, oo maanta Madaarka Hargeysa waxa uu noqday  Bariga Africa, marka laga reebo Ethiopia, madaarka kaliya  ee laga soo dego ama laga dhoofo ILAAHAY  ayaa mahad leh, haddii aanay  Nabad-gelyo jirina waxba ma jiraan, harumarna ma jiro, haddii aanay Nabad-gelyo jirina Caafimaad ma jiro, Haddii aanay nabad-galyo jirin nololi ma jirto, ILAAHAY  ayeynu ugu mhad naqayanaa ammaanka  uu innagu manaystay.”

“Xisbiyada Qaranka warqad ayaanu u qornay, oo aanu ka codsanayno sidaa uu Madaxweynuhu ogolaaday, ee isba naga yeelay, in ay iyaguna Xafladahooda iyo soo dhaweyanhooda ku qabsadaan xarumahooda waa Kulmiye, waa UCID, waa WADDANI, saddexda xisbi qaran, oo uu noqdo Madaarku meel laga soo dego lagana  dhaafo,” Ayuu yidhi  Wasiirka Wasaarada Duulista Cumar Sheekh Maxamed Faarax .

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

Xigasho Dawannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here