Widhwidh(Xogsoormedia.com):-Ciidanka qaranka Somaliland ee aagga Buuhoodle,ayaa gacanta ku dhigay gaadhi uu leeyahay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Cumar Camay.
Gaadhiga ciidanka qaranku qabtay ee uu lleeyahay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ah gaadhi Xaajiyad ah oo ah nooca raaxada ayay ciidanka qaranku qabteen iyadoo uu wato dirawalkii oo kali ahi isla markaana ambaday ka dib markii uu ka soo goostay maamulka Punland iyo Madaxweyne ku-xigeenka uu gaadhiga u wadayba.
Soo goosashada dirawalkii iyo gaadhiga Madaxweyne ku-xigeenka Punland ayaa qeyb ka ah dhaqaale xumada soo food saartay shaqaalaha iyo ciidamada Maamul goboleedkaas oo sida la soo weriyay aan mushahar qaadan muddo ku dhow sannad.
Ciidanka qaranka ee ku sugan Widh-widh ayaa gaadhigan iyo dirawalkii watayba gacanta ku haya isla markaana sheegay in ay si nabad gelyo ah ula dhaqmayaan oo aanay wax dhibaato ahi soo gaadhin dirawalka.
Maaha markii ugu horraysay ee Maamulka Puntland ay ka soo goostaan gaadiid ay madaxda Maamulkaasi leedahay waxaana hore Somaliland isugu soo dhiibay gaadiid iyo saraakiil ciidan oo ka soo cararay mushkiladda dhaqaale xumo ee deegaanada Maamulkaasi ka taliyo ka jira.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com
Xigasho: Dawannews.com