BAARLAMAANKA INGIRIISKA OO DHEGAYSTAY WARBIXIN KU SAABSAN ABAARAHA SOMALILAND IYO SU’AALO LA WEYDIIYAY XUKUUMADOODA

0
322

London-(Xogsoormedia.com):- Warbixin la xidhiidha dhibaatooyinka iyo saamaynta abaaraha ka taagan guud ahaan dalka ku yeesheen bulshada gobollada kala duwan ku nool ayaa doraad lagaga hadlay fadhigii Baarlamaanka Ingiriiska, isla markaana lagu weydiiyey kaalinta xukuumadda Ingiriisku ay ka geysatay wax ka qabashadeeda. 

Ms. Diane Abbott, Xoghayaha Iskaashiga caalamiga u qaabilsan xisbiga Mucaaridka oo ka hadlaysay dood baarlamaanku kaga hadlayey helitaanka biyo nadiif ah ee caalamka, ku soo qaaday dhibaatooyinkii ay indhaheeda ku soo aragtay xilli booqasho xaqiiqo raadis ah ku timid Somaliland dhawaan iyadoo booqatay deegaamadda galbeedka dalka ee abaaruhu ku laxaadsadeen.

Ms. Abbott, oo ka hadlaysay ayaa tidhi, “Waxaan socdaal ku tagay Somaliland, wadan dadka dhibaato ka hasyato helitaanka biyo nadiif ah, iyo abaar, taasoo anniga iyo weftigii Hay’adaha ila socday sida Water Aid oo hadafkoodu yahay sidii bulshooyinka caalamku u heli lahaayeen biyo nadiif ah ayaanu booqanay.”

“Halista Somaliland waa in abaartu isu bedasho aafo, keenta macaluul. Waxaan aragnay daadad markaan gaadhnay, laakiin biyahu waxay ku shubmayeen dooxyada. Mushkilada haysata waa helitaanka biyo nadiif ah, ma ka heli karaa jawaab  la xidhiidha waxa xukuumadda Ingiriisku ka qabatay, si looga caawiyo bulshada dhibaatada abaaruha ka taagan wakhtigan.”

Mr. Nick Hurd, Kaaliyaha Wasiirka Iskaashiga Caalamka Ingiriiska oo jawaab ka bixiyey dooda xildhibaan Miss Abbott, kaga hadashay abaaraha ka jira Somaliland iyo kaalinta xukuumadiisu  ka geysatay waxa uu yidhi “Waan ku faraxsanahay booqashada Ms Abbott kaga hadashay xaallada abaaraha, waan ku hambalyeynayaa geesinimadeeda booqashada iyo inay indhaheeda ku soo aragto.Waxaan u xaqiijinayaa in hay’ada gargaarka caalamka ee DFID xaalada si dhow ula socoto, ilaa badhtamahii 2015-kii, waxaan ku bixinay dhaqaale dheeraad ah oo gaadhaya £150, si wax looga qabto.”

Dooda xildhibaanada Ms Abbott ka jeedisay baarlamaanka Ingiriiska, waxay jidka u xaadhi kartaa sidii dawladda Ingiriisku ugu dhiirran lahayd inay indhaha ku hayso duruufaha abaareed ee dalka ka taagan iyo inay kordhiso kaalmadda ay Somaliland siiso labada.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

Xigasho: Dawannews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here