Koonfur Afrika(Xogsoormedia.com) Ujeedka booqashada Madaxweynaha South Africa, Jacob Zuma,uu maanta oo axadda ah uu ku tegay dalka Iraan ayaa lagu sheegay Iskaashi Labada waddan ay ka yeelan doonaan dhinaycyada Ganacsiga Ammaan iyo weliba sidii loo soo celin lahaa Xidhiidhkii Fiicnaa ee ka dhexeeyay laba waddan.
Madaxweynaha dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in ay wafdigiisa ka mid yihiin ganacsato waa weyn kuwaas oo doonayay in ay indho indheeyaan Fursahaha Ganacsi iyo kuwa Maalgashi ee ay laba waddan iska kaashankaraan
Dhiinciisa madaxweynaha Loo martida yahay Xasan Ruuhaani ayaa sheegay in ka sakow iska kaashiga laba waddan ee ganacsi ay labada waddan Iska kaashan doonaan waxa uu ugu yeeshay Ururada Xagjirka ah.
Xidhiidhka Ganacsi iyo midka Diblumaasiyeed ee labada waddan ayaa go’ay kadib markii Iiraan lagu soo rogay cunaqabaqayntii caalamiga ahayd ee la xidhiidhay Barnaamijkeeda Dhinaca Nucliyeerka.
Balse Hadda Iraan waxa ay u muuqataa in ay isku dayayso in sidii ay u soo ceshan lahayd Fursadihii ay wayday intii cunaqabatayntu saarneed.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com
Xigasho: Horn Cable