Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Dhagax Dhigaya Masjid Jaamaca Ugu Wayn Magaadada Ceerigaabo Oo Dib Loo Dhisayo

0
341

Wasiirka-diinta

Ceerigaabo(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,ayaa maanta dhagax dhigaya Masjid Jaamaca ugu wayn Magaalada Ceerigaabo oo dib loo dhisayo isla makaana laga dhigayo lagana dhigayo dhisme laba dabaq ah.

Wasiirka Diinta ayaa sidaa ku sheegay  mar uu khadka tilifoonka kula hadlayshabakada Xogsoormedia.com waxaa kale oo uu intaa ku daray in Masjid Jaamaca Ceerigaabo oo la dhisay xilligii dawladdii Cusmaaniyiinta in laaga dhigayo laba dabaq isla markaana  dhismhaha Masjidka ay ku jirto dhismaha dugsi Quraan dhawr fasal ah iyo illaa sadex dukaan oo loogu talo galay in la kireeyo oo baahda Masjidka wax lagaga qabto.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay Masjid Jaamaca  wayn ee  Ceerigaabo in ay dhisayso Hay,adda eeska Afrika oo dalka Somaliland ka dhistay Masjidyo iyo Dugsi qoraanno tiro badan.

Waxaa kale oo uu Wasiir Khaliil sheegay dhulka gobolada Togdheer iyo Sanaag ee ay socodka ku mareen in uu yahay abaar isla markaana roobabka ugu ay ku yar yihiin waxaa  kale oo uu intaa raaciyay in uu soo daraasayn doono xaaladda abaareed ee deegaanka Gobolka Sanaag ka jirta oo uu sheegay in ay tahay mid taagan oo ka muuqata dadka iyo Xoolaha labadaba.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here