Maxakadamad Gobolka Oo Bilaabaysa Dhageysiga Wargeys Xidhan Iyo Mid Soo Baxa

0
322

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Laba wargeys oo midi maalinle yahay midna uu xayiran yahay ayaa maalinta barito ah dhageysiga dacwadoodu ka bilaabmaysa maxakamada gobolka, ka dib markii maxakamada xeer ilaalintu ku soo ogtay dacwad loo heysto.

Iyada oo wargeysyadan loo heysto dacwad ay ku soo ogtay xukuumadu, wargeysyada ilaa imika xayiran ee aan wali xoriyadooda helin waxaa ka mida wargeyska Haatuf Codka Shacabka iyo Hubsad.

Waxaanay tani ay tahay cabudhin ay xukuumadu kula kacday warbaahinta gaarka loo leeyahay oo maalinba maalinta ka danbeysa xadhigooda iyo xayiraadoodu ay soo kordhayso

, Gudoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir. Dacwadan ayaa salka ku haysaa laba War oo Wargeysku faafiyey bishii Sideedaad ee 2015-kii, kuwaasoo ku saabsanaa qorshihii wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera. Hase-yeeshee lama garanaayo sababta sideed bilood ka hor wararka la faafiyey ay madaxtooyaddu imika dacwadda uga oogtay, balse Gudoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Farax Jaambiir oo aanu waxka weydiinay ayaa muujiyey inuu u arko ujeedada laga leeyahay dacwadan mid siyaasadeed oo qayb ka ah taseynta madaxbanaanida Saxaafadd, taasina ay tahay sababta eedda dacwadda looga dhigay mid ciqaab ah, isla markaana looga duway Xeerarka madeniga ah iyo Xeerka Saxaafadda. Sidoo kale, Hay’addo Warbaahineed oo madaxbanaan ayaa xukuumadda kusoo oogtay dacwado ciqaab ah, kuwaasoo ay kamid yihiin, Wargeyska Hubsad, Waaheen, Xog-ogaal iyo Codka shacabka, iyadoo sidoo kale, xukuumadda Somaliland hore albaabada ugu laabtay Haatuf. Laakin dacwada Wargeyska Ogaal ee maalinta Beri ah la filaayo inay ka furanto Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, waxa ay kaga duwan tahay Kiisaskii hore u dhex maray Xukuumadda Siilanyo Saxaafadda, wwaxa eedda Wargeyska soo oogay Madaxweynaha iyo Marwadiisa, sida ku cad qoraalka eedda ee Xeer Ilaalinta . Ururradda Saxaafadda iyo Hay’addaha xuquuqal insaanka ayaa walaac weyn ka muujiyey duulaankan cusub ee ciqaabta ah ee xukuumaddu kusoo qaaday hadhaagii Saxaafadda Madaxabanaan oo duruufo adag ku shaqeynaayey.isla markaana hadii aanay Maxkamaddu hor-joogsan Xeerkan Ciqaabta ah ee loo adeegsanaayo Saxaafadda, ay suuro-gal tahay in albaabada loo laabo inta ka hadhay Hay’addaha Warbaahinta Madaxabanaan.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here