13 Qof Oo Ku Eedaysan Kiiska Weerarkii Shirkadda Diyaaradaha Ee Daallo Airlines Oo Markii U Horraysay Maxkamad La Keenay

0
270

Muqdisho (Xogsoormedia.com): – 13 Qof oo ku eedaysan in ay leeyihiin masuuliyadda Weerarkii isqarxinta ahaa ee lagu qaaday shirkadda diyaaradaha Daallo ee 02/02/2016,kii lagu qrxin gaadhay hawada wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee caasimaddaSoomaaliya ee Muqdisho,ayaa maanta Maxkamdda derajada koobaad ee Ciidammada la hor keenay isla markaana dhegaysiga kiiska daxwadooda mar kale dib loo dhigay.

2016419635966575408983988Maxkamadeyn_Daallo_Airlines_Qarax (2)

eedaysanayaashan oo ay ku jiraan saraakiil dhanka ammaanka garoomada ah oo dawladda Soomaaliya u shaqeeya iyo xubno xamaaliin ka ahaa garoonka diyaaradaha iyo shaqsiyaad kale oo la sheegay in ay ku  lug lahaayeen falka isku dayga qarxinta diyaaradda iyo rakaabkii ay wadday,ayay hor keenista maanta ee Maxkamadda ay ka soo qayb galeen saraakiil dhanka ammaanka ah oo ka socday dawladda Soomaaliya iyo saraakiil ammaan oo dalal kale ka socday una yimi dhegaysiga dacwadan.

Saraakiisha ajaanibka ah ee maanta furitaankii Maxkamadda 13 qof ka soo qayb galay ayaa mudoba ku sugnaa Soomaaliya isla markaana baadhitaano ku hayay 13 qof ee kiiskan loo hayay.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada, Col. Xasan Cali Nuur [Shuute] ayaa dib u dhigay dhageysiga dacwada, isagoo xusay in mar kale dib la isugu soo laabto oo la dhageysan doono dacwadda.

Dhanka kale, Weerarkii lagu qaaday diyaaraddii Daallo Airline 02-dii Feberaayo 2016-ka, ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, waxayna ku sheegeen bayaan ay soo saareen inay beegsanayeen saraakiil Sir-doonka reer galbeedka la shaqeeya oo diyaaradda saarnaa.

Qof ka mid ah Rakaabkii Ddiyaaradda ayaa ku dhintay Qaraxa, kasoo markiiba la sheegay inuu ahaa qofkii qaraxa fuliyay, isagoo ka dhacay diyaarada, sidoo kalena wuxuu dhaawac kasoo gaaray laba ruux oo kale, iyadoo diyaaraddu xilligaas ay ku socoday Dalka Jabuuti, iyadoo ka duushay garoonka diyaaradaha Xamar.

Ugu dambeyn, Eedeysanayaasha maanta maxkamadda ciidanka qalabka sida la hor-keenay ayaa waxaa kashifay kaamirooyinka qarsoon ee garoonka ku xiran, iyadoo la arkay qaar ka mid ah Laptop u gudbinaya Ruuxii Qaraxaas ku Geeryooday

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here