Shan Ka Mida Wariyayaasha Ka Hawl Gala Gobolka Gabiley Oo Uu Daad Qaaday

0
320

War: Deg Dega

Gabiley(Xogsoormedia.com) Wararka naga soo gaadha Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley ayaa sheegaya in daad qaaday Shan Wariye oo ka hawl gala magaalada Gabiley.

Wariyayaashan waxaa qaaday dooxa la yidhaaho Laag-Barako, iyaga oo hawlo shaqo u taagay deegaanka Bus oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Gabiley.

waxaanay wararku intaas ku darayaan in wariyayaashan laga soo badbaadiya dooxa qaaday.

waxaana wariyayaasha safarkoodan ku wehelinaayay madaxda gobolka gabiley.

ilaa hadana lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay daadkaas qaaday suxufiyiintaasi.

Wixii warara ee danbe ka soo kordha waxa aanu idinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here