Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Iyo Somalilabd Oo Maalinta Bari Ah Kulan Heeer Qaran Ahi Uga Furmi Doono Magaalada Boorama

0
320

War: Deg Dega

Boorama(Xogsoormedia.com) Kulan heer qarana ayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal uga furmaya dawlad deegaaneedka Itoobiya iyo Somaliland

Kulankan oo ah mid dhex mari doona gobolada Awdal Salal Iyo Gabiley waxaana kulankan ka soo qayb galaya Gobolka Shici ee caasimada Jigjiga.

Waxaana kulankan lagaga wada hadli doonaa xidhiidhka dhinaca nabadgaliyada , ganacsiga iyo isu socodka dadka labada dhinac.

Waxaana kulankani la filaya inuu maalinta barito ah ka furmo magaalada Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama.

Kulankani mid la mida ayaa ka furmi doona gobolka Dhagaxbuur waxaana ka qayb gali doona gobolada Togdheer Saraar Iyo Daadmadheedh

Kulanada ay wada qaadanayaan dawlada Somaliland iyo maamulka dawlad deegaaneedka Itoobiya ayaa ahaa qaar soo kordhaayay

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here