Hargeysa(Xogsoormedia.com) Magaalada Hargeysa ayaa waxa Maalmahii ugu danbeeyey lagu arkaayey Boodh ay ku sawiran yihiin afar qof oo lababa dhinac taagan yihiin.
Arinta xiisaha leh ayaa ah boodhkan kuma qorna waxa uu ka turjumaayo marka laga reebo qoraal ay macnahiisa Dadku aad u fahmi waayeen kaasi oo ah,
“War la Helyaaba Talo la Hel,”
Waxa kale oo jirta sida idiinka muuqata muuqaalka yaabka galiyey sawirka oo ay ku xardhan yihiin ama ku sawiran yihiin Wiil iyo Gabadh Murugaysan iyo Wiil iyo Gabadh kale oo ay farxadi ka muuqato.
Mase jirto murugada iyo farxada uu Boodhkani xanbaarsan yahay wax lagu turjumi karo maadaama aan qoraal lagu cadaynin.
Geesta kale ma jirto cid ku qoran in ay mashruucan ay iyadu maal galisey lamina garanaayo sababta kaliftey in laga reebo nuxurka fariinta uu Boodhkani xanbaarsan yahay.
Hase yeeshee waxa sanadahii ugu danbeeyey magaalada Hargeysa lagu arkay sawiro ay ku dhajiyeen haayado shisheeye kuwaasi oo soo dhiyey sawiro ka baxsan anshaxa iyo diinta islaamka.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com
Xigasho: Hangoolnews