War: Deg Dega
Lughaya(Xogsoormedia.com) Sadex ardayka mida ardayda wax ka barata dugsi ku yaala tuulada Fadhi xun ayaa ku naf waayay ka dib markii ay macalimiintoodu u dabaal geeyeen bada Lughaya
Sadexda arday oo ka yimid tuulada fadhi xun oo loo dabaal geeyay in ay ku dabaashaan ayaa ku dhintay sida uu shabakada Xogsoormedia u sheegay badhasaabka gobolka Awdal
Maamulka Gobolka Awdal waxa uu sheegay in talaabo laga qaadi doono Macalimiintii ka xeeyey Ardaydaasi ee sababta u noqdey dhimashadooda.
Iyada oo xiligan lagu jiro xilli Roobaab oo ay Baddu kacsan tahay iyada oo macalimiintii masuulka ka ahayd ee geeyey goobtaasi aanay aqoon u lahayn xiliyada ay baddu dhibaato soo gaadhsiin karto ardayda ay goobtaasi geeyeen.
Geesta kale degmada Dilla ayaa waxa ku dhintey Hal qof m Marxuumkaasi dhintey oo ay qaadeen Daadadkii ka soo rogmaday Roob mahiigaan ah oo ka Da,ey deegaanada Gobolka Awdal, waxaanay sababeen Daadadkaasi in ay qaadaan marxuumkasi dhintey iyo Xoolahii uu la Joogey.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland