Xukuumada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Aanay Khuseyn Go’aamadii Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran Ee Soomaaliya

0
266

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Xukuumada  Somaliland ayaa ka ganafka ku dhufatay go’aamadii ka soo baxay shirkii Hoggaamiyaasha Madasha Qaran ee Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ka soo baxeen qodobo ka hadlaya Xildhibaanada u dhashey maamulka Somaliland sida loo soo xulayo.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo waciyigalinta Somaliland Mudane Cismaan Saxardiid Caddaani oo shirjaraa,id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inaanay ogoleyn waxaa ay la yimaadeen maamulka Xamar.

Wasiir Cismaan Saxardiid Cadaani isaga oo ugu horeyn arrimahaas ka hadlaya ayaa waxaa uu yidhi “…Anaga nama khuseeyaan wixii ka soo baxay shirkii Muqdisho, Soomaaliya wax iskuma darsano rubuc qarnigii la soo dhaafey, wax midnimo la yiraahdana ma jirto cid alaale iyo ciddii ka qaybqaatada go’aamada Muqdisho ka soo baxay oo Somaliland u dhalatey waxaan u arkaynaa in ay yihiin denbiilayaal galey khiyaano qaran”

Wasiirka mar wax laga waydiiyay go’aamada shirkii madasha in beesha caalamku soo dhaweysey ayaa waxaa uu yidhi  “taasna maaha mid na khuseysa, waxaana uu beesha caalamka ka dalbadey in aysan soo farogelin arrimaha u gaarka ah Somaliland”

Waxaana go’aamada la soo saaray ee uu wasiirku diiday ka mid ahaa “Maaddaama ay Somaliland ka maqan tahay, ka qaybgalka hannaanka doorashada, xubnaha Aqalka Hoose ee matelaya Somaliland waxa lagu dooraan doonaa goobta ay isku raacaan madax dhaqameedyadii Somaliland ugu jira 135 ka”

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here