Halkan Ka Daawo: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Ka Qaybgalay Xuska 56aad Ee Asaaskii Ciidanka Soomaaliya –

0
284

Muqdisho(Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabadda xuska sannad-guurada 56-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku began 12-ka April, hambalyo u diray sareeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, aliflayda, dableyda iyo xaasaskooda.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay Soomaaliya ay ku jirto xaalad ay dib u dhis ku sameyneyso ciidankeeda, dhanka kalena ay dagaal kula jirto cadow.

“….Ciidankeena waxaa uu ku tallaabsadey guulo waaweyn, iyagoo duruufo adag ku shaqeynaya. Waxaan awoodnay inaan wiiqno awoodda cadowga argagixisada, taasina waxay muujineysaa niyadda, geesinimada iyo waddaninimada ciidanka. Waa hubaal in waddamo badan oo inaga xaalad wanaagsan aysan weli guulo la taaban karo ka gaarin la dagaalanka argagixisada, marka la barbardhigo ciidankeena….”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka argagixisada uu yahay mid caalami ah, sababtaas darteedna uu caalamka ugu soo gurmadey Soomaaliya, miraha laga dhaxlayna ay tahay dowladnimada soo kobceysa ee haatan dalka ka jirta.

Waxaa uu xusay Madaxweynaha in si habsami leh ay u socdaan hawlaha isku dhafka ciidammada, isla markaana hawlo badan laga qabtey sidii daah-furnaan dhameystiran ay uga jiri lahayd maamulka iyo hawlgelinta ciidammada.

“….Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa inuu tusaale wanaagsan u noqdaa shacabka intiisa kale. Waxyaabaha aan ku guuleysaney inaan ka ciribtirno ciidanka waxaa ka mid ah musuqmaasuqa. Bishii September ee sannadkii la soo dhaafay waxaan bixey awaamiir ku qotoma daah-furnaanta hawlaha ciidanka, wax badan ayaana ay waxtareen. Waxaa laakiin jira guux sheegaya inay weli wax dhiman yihiin, waana filayaa in guuxaasi mar dhow la suuliyo oo wax la saxo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweynaha ugu baaqay shacabka inay taageero buuxda siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay inay dhegaha ka fureystaan wararka ay faafinayaan kuwa cadowga ah ee doonaya inay ummadda kala dhantaalaan.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Gaashaandhigga, Gen.Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, madaxweyneyaasha maamullada Puntland, Koonfuur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland iyo weliba Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la dhisey sanadkii 1960 saddex bilood ka hor inta aan calanka Soomaaliyeed laga taagan ciidda dalkuna noqon dal xor ah.

Halkan Kaga Bogo Warkaas Oo Faahfaahsan

Xigasho: Horseed Media.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here