Dawlada Federaalka Itoobiya Oo Suldaan Maxamad Xirsi Qani Iyo Beeshiisa Ka Raaligaliyay Shaqaaqo Ka Dhacday Dhawaan Deegaanka Daalaco Qaatayna Masuuliyada Khaladkaa Dhacay

0
310

War: Deg Dega

Gaashaamo(Xogsoormedia.com) Saaraakiil ka socdaa dawlada faderaalka iyo  madaxda ciidanka New Boolis ee dawlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya ayaa booqasho ku yimid magaalada Daalaco, oo hoos timaada degmada Gaashaamo.

Halkaasi oo dhawaan shaqaaqo ka dhacday, waxanay madaxdii ka yimi dawlada deegaaneedka Soomaalida Itoobiya iyo saraakisha ciidanka New Booliskuba sheegeen in uu ahaa khaladku mid dhankooda ka yimid.

Iyaga oo madaxdan iyo saraakiishani ay u gudbi doonaan dhanka deegaanka Maanyare oo isaguna hoos yimaada degmada Gaashaamo.

Sidoo kale madaxdan iyo saraakiishani waxaa ay xuseen inay baadhitaan ku sameyn doonaan sababta khaladkan keentay.

Dawlada Itoobiya iyo saraakiisha ciidamada New Boolis ayaa shaqaaqada ka raali galiyay suldaanka guud ee beelaha Habar Yoonis iyo dadka deegaanka Gaashaamaba.

Dhanka kale Suldaanka Guud iyo dadka waxgaradka deegaanka Gaashaamo ayaa soo dhaweeyay sida ay dawlada Itoobiya ay u qaadatay khaladkeeda.

Islamarkaana waxaa ay labada dhinac isla afgarrteen in la wada ilaaliyo degenaanshiyaha iyo nabadgaliyada labada dal.

Sidaasna waxaa shabakada Xogsoormedia

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here