Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Goor dhawayd oo Caawa ah ayaa lagu dilay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood Marxuum Cabdilaahi Axmed.
wararku waxay intaa ku daraan in koox dablay ah oo aan wali la aqoonsan cidda ay yihiin in ay geysteen dilka Cabdilaahi Axmed,marxuumka la dilay ayay Walaalo ahaayeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool.
Dilkan oo aanay wali laamaha ammaanka gobolka Sool iyo ka degmada Laascaanood ka hadal isla markaana aanay walijirin cid loo qabtay,ayaa in uu dhacay oo la dilay Marxuum Cabdilaahi Axmed waxaa Xogsoormedia.com u xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise(Mustafe Shiine oo isagoo Hargeysa ku sugan aanu khadka tilifoonka ku waydiinay dilka caawa ka dhacay magaalada Laascaanood.
waxaa ale oo uu Guddoomiye Shiine shegay in dilka dhacay cidda geysatay in ay ku hawlan yihiin laamaha ammaanka gobolka isla markaana ay ka war bixin doonaan laakiin uu noo xaqiijiyya oo kaliya jiritaanka dilka Marxuumka caawa lagu toogtay gudaha magaalada Laascaanood.
wixii warar ka soo kordha kala soco Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland