Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo Uu U Diray Madaxweynaha Jabuuti Ku Ladhay Farriin Dublamaasiyadeed

0
312

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ,ayaa hambalyada uu u diray Madaxweynaha Jabuuti eek u guulaystay Doorashada dalkaa ka qabsoontay maalintii Jimcihii ku ladhay farriin dublamaasiyadeed oo uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ugu sheegay in Somaliland ay uga baahantahay kelmad hiil ah hoggaaanka dalka Jabuuti.

Sidaa waxa uu Madaxweyne-SIILAANYO ku sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo maanta nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

Madaxweynayaasha-Geelle-Iyo-Siilaanyo

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga iyo dawladda jabuuti, doorashada sida nabadgelyada ah uga qabsoontay dalkaasi shalay oo Jimce ahayd, isagoo si gaara hambalyadaasi ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane  Ismaaciil Cumar Geelle oo markii Afraad loo doortay hoggaaminta dalkiisa.

Waxanu madaxweynuhu yidhi “Anigoo ku hadlaya Magacayga, kan dawladda iyo kan shacbiga Somaliland, waxaan madaxweyne,kugu Hambalyeynayaa doorashadii sida nabad-gelyada leh uga dhacday dalka Jabuuti Jimcihii (08/04/2016), waxaanan si gaar ah kaaga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga dalka Jabuuti ku doorteen madaxweynaha dalka Jabuuti mar kale.

Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay muddadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, anigoo aaminsan in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena dal uu noqon-doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta.

Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehantahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada dalkaaga ka qabsoontay oo ahayd mid taariikhiya.

Waxanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne, adiga, dawladda iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here