Maamulaha Kastamka Madaarka Hargeysa Oo Ka Hadlay Hannaanka Shaqo Ee Kastamka Iyo Adeegyo Ay Ku Soo Kordhiyeen

0
741

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Maamulaha Kastamka Madaarka Caalamiga ah  Cigaal  ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdixakiim Cabdillaahi Maxamuud,ayaa sheegay in hawlaha shaqo ee Kastamka Madaarku qaranka u hayaa in ay si wanaagsan u socdaan isla markaana yak u soo kordhiyeen dhismayaal cusub.

Waxaa kale oo uu sheegay in mar kassta Canshuur qaadaha iyo Canshuur bixiyuhu ay isku muuqdaan oo ay kala cawdaan inta badana ay si aan xumaan lahayn ay ku dhamaato laakiin hadal hayn iyo kelmado dhaxal gal ahi ay ka hadhaan marba cidda xilkaa haysa oo taariikhda u gasha.

1-54-90x90

Waxaanu meesha ka saaray in ay shaqo xumo lunsi  hanti qaran in ay ka jirto Kastamka Madaarka Cigaal.

 “Waxaanu hirgalinay dhismayaal kala duwan oo ay ugu horayso  Laba Qol oo Xafiisyada Maamulka loo  dhisay hoolka Alaabaha la dhigto oo aanu u samaynay laba barande maadaama ay markii hore cadceed ahayd sidoo kale waxaanu Marmar dhigay  barxada xafiisyada.” Sidaa ayuu yidhi

 “dhammaan waxqabadkaasi waxuu qayb ka yahay Astaamaha Waxqabad ee ku xardhan diiwaanka waxqabad ee Wasiiradda Maalliyada oo si degdaga uga soo jawaabta baahiyaha Kastamka Madaarka ee aan u gudbino”.

Maamuluha oo faahfaahin dheeraada ka bixinaya Masuuliyada uu Qaranka hayo waxuu yidhi

“Masuuliyada iyo xilka qaranka u hayno ee Cashuur ururintu waa mid culus waxaana hubaal ah in  ay cakis isku yihiin iskana soo horjeedaan  Cashuur Bixiyaha waana arrin curada oo soo jireen ah oo bulshadu ka wada dheregsan tahay in mararka qaarkoodna la isku qoonsado  mararka qaarkoodna lagu xafiiltamo oo la isku xajiimeeyo waxaana ka hadha sheekooyin iyo kaftamo dhaxal gal noqda” ayuu  yidhi Maamulaha Kastamka Madaarka Cigaal International.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here