“Caawimada Aanu Somaliland Geynay Waa Hor Dhac Yar Oo Kooban Mid Kalena Waanu Soo Wadnaa’Wax La Soo Celinayaana Ma Jirto Warkaasina waa Beer.” Wasiirudawlaha Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

0
339

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha   Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig,ayaa waxba  kama jiraan ku tilmaamay hadal laga qoray oo lagu sheegay in uu yidhi “Somaliland ha soo celiso deeqdii gurmadka abaaraha ee Soomaaliya  soo gaadhsiisay Somaliland ee loogu talo galay in lagaga qayb qaato  samato bixinta Gurmadka dadka ku tabaaloobay abaaraha.

Waxaanu intaa ku daray in hadalkaasi uu yahay mid been abuut ah oo aan sal iyo raad lahayn isla  markaana ay taakulada gurmadka ah ee ay Somaliladn soo gaadhsiiyeen in ay ahay mid kooban oo hordhac ah laakiin in ay mid kale soo wadaan ayuu hadalkiisa ku daray.

cabdirashiid-maxamed-xidig-coomaad

Waxaa kale oo uu ka hadlay Wasiirudawlaha Arrimaha gudaha  ee Soomaaliya in Somaliland iyo gobolada Soomaaliya ee ay abaartu ka jirtaba ay gurmadka usii wadayaan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay inay sii wadayaan oo ay taageerayaan in ay halkaa ka sii socdaan.

Waxaanu sidaa ku sheegay Wasiirudawlaha Amniga Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig waraysi gaar ah oo uu khadka tilifoonka ku siiyay shabakada Xogsoormedia.com isagoo ku sugan magaalada Muqdisho Xarunta Soomaaliya.

Ugu horrayn Wasiir Xiddig oo ka jawaabayay su,aal aanu ka waydiinay hadalka warbaahinta online-ka ah lagu qoray oo ahaa in uu yidhi Somaliland haddii roobkuu helay oo cirku u da,ay deeqdii caawimada ahayd ha iska soo celiyaan? Ayaa yidhi. “Hadalkaasi waa mid aan jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn sabab loo soo celiyaana ma jirto deeqda kooban ee aanu Somaliland gaynayna waa hordhac mid kalena waanu soo wadnaa inta dhibaatada abaartu jirtana  gurmadka waanu wadaynaa warkaasi waa been abuur  anaga ayaa dirnay deeqda gargaarka ah waxaanan u dirnay umad dhibaataysan oo u baahan  qof caqli lehina ma odhan karo gargaarkii aanu bixinay soo celiya. Hadalkaasin waa mid la iga sameeyay meel aan ka idhina ma jirto.”

Wasiir Xiddig oo aanu waydiinay abaarta Soomaaliya ka jirta baaxadeeda iyo meelaha ugu daran,ayaa yidhi. “Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah dhanka Somaliland gobolka Awdal,Puntland abaaro ba,an ayaa dhankeeda ka jira dhanka koonfurta gobolada qaar ayay xaalad adagi ka  taagan tahay markaa abaartu way jirtaa waanan wadnaa gurmadkii oo ka dawlad ahaan awoodayada waxba kala hadhi mayno caalamkana waanu u qayshanaynaa.”

Wasiir Xiddig oo aanu waydiinay Wabiyada Soomaaliya ee Gudhay waxa sababay in ay tahay dhanka Itoobiya oo biyaha xidhatay iyo in ay xaaladda abaarta tahay,ayaa ku jawaabay. “Horta hada hayntu way iska jirtaa Dawladina illaa ay wax baadho oo ay xog rasmi ah hesho ma odhan karto sidaas ayay wax yihiin ama dalkaasi waxaasu sameeyay markaa arrintaa in ay abaaruhu keeneen iyo in ay dhanka Itoobiya ka timi marka aanu baadhitaan rasmi ah ka samayno ayaany a hadli doonaa.”

Wasiirka oo aanu waydiinay wada hadalkii Soomaaliya iyo Somaliland waxa uga meel yaalla Xukuumad,ayaa ku jawaabay “Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya in uu sii socdo waan taageeraynaa waanan sii wadaynaa in uu midho dhal noqdona waanu ku rejo waynahay.”

Wasiirka oo aanu waydiinay in Dawladnimada ay sheeganayaan ay magac uun tahay oo aanu dalku gacanta ugu jirin ammaanka Caasimaddana aanay damaanad qaadi karayn,ayaa ku jawaabay. “Horta meel kasta wax way ka dhacaan dilna waa laga geystaa oo dawlad odhan karta dalkayaga dil  kama dhoco ma jirto laakiin dawladu waa dawlad Soomaaliya oo dhan ka jirta dagaalna waxay kula jirtaa kooxo nabad diid ah waxaana ku rejo waynahay in aanu ka guulaysn doono oo aanu dhawaan dalka oo dha ka sifayn doono.”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here