Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo dalka dibadiisa ku maqan ayaa ka hadlay geerida ku timi Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo shalay Burcoku geeriyooday .
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ay ka wada tirsanaayeen garabkii Xukuumadda iska casilay ee is bedel doonka KULMIYE isla markaana qaadacay shirwaynihii KULMIYE ee Guddoomiye Muuse Biixi loogu Doortay Musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE,ayaa shaqsiyadda Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir waxaa uu ku sifeeyay halyay ka baxay qaranka Somaliland oo aan la ilaawi doonin waxaanu tacsi u diray qoyska,ehelada,asxaabta iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay.
“Inaa Lillaahi Waa Inaa Illayhi Raajicuun: Dr. Cabdi Aw Daahir Cali saaxiibkay ayuu ahaa nin aanu si weyn u wada shaqaynay mudooyinkii danbe, markii aanu Wasarada ku wada jirnay iyo intii ka danbeysayba ayuu ahaa. Shakhsi dabeecad wacan oo afgaaban oo akhlaaq leh ayuu ahaa. Runtii iyada oo geeridu xaq tahay aad iyo aad ayaan uga naxay, anigoo hadda dalka debadiisa ku sugan oo aan nasiib u helayn inaan ka qayb galo aaskiisa. Illahay waxaan ka baryayaa inuu jannadii fardawsa ka waraabiyo, eheladii, qoyskii iyo dhammaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Dr. Cabdi Aw Daahir uu samir iyo iimaan ka siiyo. Inaa Lillaahi Waa Inaa Illayhi Raajicuun”.
Sidaa waxaa yidhi oo hadalkiisa kusoo koobay Wasiirkii hore ee arrimaha debadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo ka hadlaayay siday u taabatay geerida Siyaasigii weynaa ee Dr. Cabdi Aw Daahir Cali
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland