Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Danjire Cali Xuseen Jirde(Cali shoombe),ayaa ka war bixiyay socdaal shaqo oo ay Wasiirada Qorshaynta Danjire Cali Shoombe iyo Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire,ay ku tageen dalka Kenya oo ay kulamo kula yeesheen Hay’addaha Qaramada Midoobay iyo dalalka qaadhaan bixiyeyaasha ah ee Somaliland ka taageera dhanka arrimaha bulshada.
Waxaanu Wasiir Danjire Cali Salaan uu sheegay in socaalkooda oo qaatay laba maalmood in ay kulamo kala gooni gooni ah la yeesheen Hay’adahha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi iyo dalalka Somaliland ay wada shaqaynta leeyihiin safaaradaha ku leh dalka Kenya.
Waxaanu intaa ku daray Wasiir Cali Shoombe in ay Hay’adaha iyo dalalka ay la kulmeenba ay ka wada hadleen sidii ay gurmadka deg degga ah ee ay Xukuumadda Somaliland iyo shacbigeedeba ay ku jiraan ay uga qayb qaadan lahaayeen isla markaana ay gacan uga geysan lahaayeen marxaladda labaad ee la gelayo oo ah xilli roobaadka iyo kharaha ka dhalan kara iyo in gurmadka loo baahan yahay uu yahay mid taagan oo aan u baahnayn in qiimayn la soo sameeyo iyo in marxaladda la taagan yahay uu dib uga dhoco.
Wasiir Danjire Cali Salaan Jirde oo waraysi gaar ah xalay khadka Tilifoonka ku siiyay wargeyska Dawan markii ay shalay galinkii dambe ka soo noqdeen socdaal shaqo oo ay ku tageen dalka Kenya ayaa hadalkiisa ku bilaabay.
“Innaalilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun marka hore waxan halkan tacsi uga diyaraa anigoo jaaniskan ka faa,iidaysanaya qoyska, ehelada,qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo ka mid ahaa dhakhaatiirta iyo siyaasiyiinta haldoorka Somaliland ah ee dalkan halgankiisii iyo dib u dhiskiisiiba naf iyo maalba u huray,waxaanan marxuumka ALLE uga baryayaa in uu naxriistiisa macaan ugu deeqo oo uu jannada ka waraabiyo dambigiisana dhaafo, inagana dhamaanteen samir iyo iimaan inaga wada siiyo, halkaasaana ina wada sugaysa oo dhimashadu xaq weeyaan.”
Wasiir Cali Shoombe oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray. “Socdaalkayagu wuxuu ahaa mid aanu Hay’addaha caalamiga ah iyo dalalka Somaliland ay wada shaqaynta leeyihiin ee ka taageera arrimaba bulshadaba in aanu kulan deg deg ah la yeelano isla markaana uga warano xaaladda adag ee ka jirta Somaliland iyo sida ay ugu baahan tahay gurmadka deg degga ah,waxaanan la kulanay Hay’addaha qaranada midoobay iyo kuwa caalamiga ahba,waxaanan u sheegnay in gurmadka samato bixinta ah ee Somaliland ay ku jirtaa in uu yahay mid ka awood badan oo aanay dabooli karayn isla markaana loo baahan yahay in si deg deg ah ya gurmadka uga qayb qaataan.
Waxaa kale oo aanu u sheegnay oo aanu kala hadalay in hadda loo baahan yahay in marxaladda loo guuray ee xilli roobaadka ah oo inayana u baahan in gurmadka lagu talo galo in xoolihii dadka ka dhamaaday ee bakhtiyay in gurmad laga galo oo xoolaha bakhtigooda laga hor tago in aanay cuduro ka dhalan oo la aaso. Iyo in Somaliland oo dhaqaale ahaan wax soo saarkeedu ku tiirsan yahay xoolaha nool iyo beeraha in ay labadiiba meesha ka bexeen kuwaasoo miisaaniyadda qaranka ka ahaa 65/100. In loo baahan yahay in Xukuumadda dhaqaale kab loo sameeyo oo dhanka miisaaniyadda laga kaabo.”
Wasiirka oo aanu waydiinay socdaalkooda waxay kala soo kulmeen Hay’adihii ay la kulmeen iyo kuwa ay yihiin dalalka ay is arkeen,ayaa ku jawaabay. Hay’addaha badankooda waanu is aragnay balan qaadna way sameeyeen waxaanan u sheegnay in waxay kaga qayb qaateen gurmadka abaarta ee ay bixiyeen in ay tahay wax aan waxba ka tarayn xaaladda adag iyo dhibaatada jirta waxaa kale oo aanu u sheegnay in Somaliland xukuumad iyo shicibba in aanay waxba kala hadhin laakiin ay a baxsan tahay awoodda iyo haynta dadka iyo dawladda Somaliland loona baahan yahay in deg deg wax looga qabto oo imika gurmadka la galo oo aan loo baahnayn in la yidhaahdo sarfaybaa la samaynayaa iyo hala soo qiimeeyo laakiin ay xaladu thay imid deg deg ah oo taagan,waxaa kale oo aanu la kulanay dawladaha Ingiriiska,Sweden iyo Maraykanka oo dhamaantood aanu gaadhsiinay qaylo dhaanta xaaladda abaartu keentay ee ka taagan Somaliland, Sweden oo kale waxbay bixisay laakiin wixii ay bixisay waan u sheegnay in uu ka dhigan yahay dhibic bad ku dhacday.”ayuu yidhi Wasiir Cali Shoombe
Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo farriin u diray bulshada reer Somaliland ayaa ku booriyay in ay isku duubni iyo wada jir kaga qayb qaataan marxaladda abaaraha ee lagu jiro waxaanu si gaar ah baaq ugu diray qurba joogga reer Somaliland. “Waxaan leeyahay bulshada reer Somaliland tani waxay u baahan tahay in aynu wada jir kaga hawl galo oo waxa dhimanayaa waa dadkeeniiye aynu wax tarno oo aynu badbaadino,gaar ahaan waxaan ula hadlayaa Qurba joogga reer Somaliland oo aan leeyahay dadkiina u soo gurmada oo waxba ha kala hadhina imikaba wax wayn ayay qabteen laakiin waa in aanay is odhan roobkii ayaa da,ay oo gurmadkii wuu dhamaaday laakiin wali dadkeenu gurmad ayay inooga baahan yihiin.”ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Danjire Cali Xuseen Jirde
Xigasho Wargeyska DAWAN
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland