Kooxda Wolfsburg ayaa guul dahabi ah garoonkeeda kaga gaadhay Real Madrid kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga waxaana kooxda reer Germany guushan u horseeday Ricardo Rodriguez iyo Maximilian Arnold oo kala dhaliyay labada gool ee ay Madrid ku garaaceen. Real Madrid ayaan kulankan la iman qaab ciyaareedkeedii fiicnaa halka kooxda Wolfsburg ay soo badhigay qaab ciyaareed u suurto galiyay in ay beeniso saadaashii kulankan laga bixinayay.
Real Madrid ayaa marti u ahayd kooxda horyaalka Germany ee Woflsburg waxayna labada kooxood iskaga hor yimadeen kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga, waxayna kooxda ree Germany ay maanka ku haysay in haddii ay kulankan natiijo fiican ka heli waydo in ay macasalaymayn doonto Champions Leaque-ga, laakiin Zidane iyo wiilashiisa ayaa doonayay in ay shaqo fiican ku soo qabtaan Germany ka hor kulanka Bernabeu.
SHIXII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
Woflsburg (4-2-3-1): Benaglio, Rodríguez, Dante, Naldo, Vieirinha, L. Gustavo, Guilavogui, Draxler, Henrique, Arnold and Schürrle
Kaydka:Casteels, Knoche, Schafer, Trasch, Ascues, Kruse, Dost.
Real Madrid (4-3-3): Navas; Danilo, Pepe, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Ronaldo.
Kaydka:Casilla, Nacho, Carvajal, Isco, Rodriguez, Vazquez, Jese.
Real Madrid ayaa ciyaarta ku bilaabatay qaab ciyaareed fiican iyada oo kubbadana si fiican iskugu dhiibaysay laakiin daqiiqadii 2 aad Cristiano Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay kadib markii uu kubbad fiican ka helay Benzema laakiin xidiga reer Porugal ayaa loo sheegay in uu offside ku jiray.
DAQIIQADII 14 aad Casemiro ayaa shaqo fiican khadka dhexe ka soo qabtay laakiin Karim Benzema ayaa kala dhantaalay difaaca Wolfsburg ka hor intii aanu darbad ku bartilmaameedsan goolka Wolfsburg laakiin goolhaye Benaglio ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay fursad halis ahayd oo ay Madrid goolka furitaanka kula iman gaadhay.
Dhinaca kale kooxda Wolfsburg ayaa si fiican iskugu xidhnayd waxayna doonaysay in ay hesho qorshihii ay Real Madrid ku wiiqi lahayd. Waxayna Wolfsburg ay bilawday in ay weeraro ku qaado goolka Real Madrid isla markana ay tijaabiso difaaca Madrid.
DAQIQIADII 17 aad Wolfsburg ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee ay Real Madrid kaga naxsatay waxaana goolkan oo rekoodhe ahaa udhaliyay Ricardo Rodriguez kaas oo jahada qaldan u diray goolhaye Keylor Navas, waxaana qaladka rekoodhahan lahaa Casemiro kaas qaladkan ku galay Schurrle oo xerada ganaaxa Madrid kubbad kaga helay Draxler waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Wolfsburg hogaanka ciyaarta kula wareegtay.Real Madrid ayaa ku dooday in aanu qalidkani ahayyn mid uu Casemiro galay.
Markii ay Wolfsburg heshay goolka furitaanka ayay kalsooni buuxda heshay waxayna bilawday in ay kubbada si fiican u ciyaarto isla markaana ay weeraro halis ah ku qaado goolka Real Madrid halka Real Madrid ay markan dagaal ugu jirtay sidii ay ula iman lahayd goolka looga hormaray.
DAQIIQDII 25 aad Wolfsburg ayaa aduunka iyo Real Madrid ka yaabsatay kadib markii ay qaab qurux badan ku dhalisay goolkan waxaana kubbad si wada jir ah looga soo shaqeeyay isla markaana uu Draxler soo bilaabay goolkan ku dhaliyay Maximilian Arnold kaas oo gool caawin ka helay Bruno Henrique waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Wolfsburg hogaanka ku dheeraysatay.
DAQIIQADII 41 aad ee dhamaadkii qaybta hore Real Madrid ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay kadib markii uu Karim Benzema uu awoodi waayay in uu dhamaysto daqiiqadaha kooban ee ciyaarta ka hadhsanaa waxaana soo gaadhay dhawaac uu xanuunkiisa dhulka u garaacay waxaana lagu soo badalay Jesé Rodríguez laakiin qaybta hore ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Wolfsburg hogaanka ciyaarta ku haysay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid soo laabtay iyada oo doonaysa in ay dib ugu soo laabto ciyaarta isla markaana ay iskaga soo celiso goolashii qaybta hore looga hormaray, laakiin Wolfsbug ayaa markale u muuqatay mid uu difaaceedu aad u habaysan yahay halka isku xidhka weerarka Madrid iyo khadkeeda dhexe uu kulankan aad u liitay.
Real Madrid ayaa ku dhibtoonaysay kubbada weerarka deg deg ah ee uu inta badan gundhiga u ahaa Draxler laakiin si kastaba Real Madrid ayaa si xoogan u raadinaysay goolka hore si ay culayska iskaga yarayso. Fursadaha Madrid ayaan ahayn kuwo halis badan inkasta oo ay qaybta danbe kubbado badan helayeen. Ronaldo ayaa mararka qaar fursado fiican helayay balse dhamaystirka ayaan ahayn mid fiican.
DAQIIQADII 64 aad Zidane ayaa u adkaysan waayay khadka dhexe ee kooxdiisa iyo sida aan fiicnayn ee ay u ciyaarayeen wuxuuna ciyaarta badal kaga saaray Luka Modrić oo aan kulankan soo badhigin qaab ciyaareedkiisii fiicnaa waxaana kaydka laga soo kiciyay xidiga baryahan danbe la ilaawayay ee Francisco Isco.
DAQIQIADII 68 aad Wolfsburg ayaa u dhawaatay in ay la timado goolkeeda saddexaad kadib markii ay soo qaaday weerar deg deg ah oo halis badnaa laakiin darbo uu cidhifka xerada ganaaxa Real Madrid ka tuuray Schurrle ayaa birta goolka Navas wax yar u martay.
Marba marka ka danbaysa ciyaarta ayaa noqonaysay mid ay xamasadu ka sii yaraanaysay iyada oo Wolfsburg ay qorshaheeda ciyaarta ka dhigtay weerar deg deg ah iyo difaacasho habaysan halka Real Madrid ay ku mashquulsanayd sidii ay u jabin lahayd difaaca kooxda martida loo ahaa ee Wolfsburg.
DAQIIQADII 89 aad Wolfsburg ayaa xaalka ku sii xumayn gaadhay Real Madrid kadib markii Max Kruse oo ciyaarta badal ku soo galay uu kala jeediyay Danilo isla markaana uu darbo xoogan ku tuuray goolka Madrid laakiin goolhaye Navas ayaa sameeyay badbaadin fantastik ah oo uu ku beeniyay gool cadaan ahaa.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Wolfsburg ku garaacday Real Madrid oo kulankan iskeentay iyada oo la filayay in ay guul soo gaadhayso laakiin kooxda Wolfsburg ayaa muujisay sababtii ay u soo gaadhay sideed dhamaadka Champions Leaque-ga waxayna wax kastaaba ku xidhan yihiin natiijada kulanka Santiago Bernabeu iyada oo Real Madrid laga doonayo in ay 3:0 guul ku gaadho si ay natiijada dhinaca kale ugu dhito isla markaana ay shabaqeeda wax gool ah ka ilaaliso.
Rejada Real,ayaa cirka lagaga laalay waxaanay ku soo baxaan ugu yaraan 3-00 ay ku hoggaamiyaan marka garoonooda lugta labaad la isugu yimaado laakiin natiijadaas ayaa ah mid aad u adag oo aan la saadaalin karin in ay u suura galayso maaddaama ay ciyaartan hore ku soo dhamaatay 2-0.
Waxaana kooxda reer Jarmal ay ku baxdaa Real,an ay ku hadhaa natiijo kasta oo ka yar 3-0 ay kooxda reer Spin keensato.
Macalin Zidane ayay tani ku tahay dhirbaaxo wayn oo soo gaadhay haddii ay kooxdiisu sidaa kaga hadho koobka horyaalka Yurub,waxaanay noqonaysaa markii ugu horraysay ee Zidane oo tababare ah ay kooxdu ku hadho wareegga sideeda kooxood.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland