Dila(Xogsoormedia.com):- Alle ha u naxariistee ugu yaraan shan ruux oo rag iyo dumar isugu jira,ayaa ku dhintay roobab mahiigaan ah oo caawa ka da,ay deegaanka degmada Dila ee Gobolka Awdal ka dib markii uu togga mara magaalada Dila oo daad wayni uu soo maray uu qaaday.
Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan,ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay shan ruux u dhinteen tiro kale oo dad ahna la la,yahay oo la raadinayo isla markaana la badbaadiyay dad kale oo aad u badan oo Togga mara magaalada Dila oo daad wayni ka soo rogmaday uu qaaday.
wararka aya intaa ku daraya in illaa imika la raadinayo ugu yaraan tobaneeye ruux oo uu toggu la tehay oo aan geeri iyo nolol midna aab la hayn
wixii warar ha ee ka soo kordha kala soco Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland