Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Shirkadda wayn ee Dahabshiil Group ayaa casuumad ballaadhan oo dhinacyo badan kulmiysay ku qabatay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa,Shirkaddu waxay kulankan oo ahaa qado sharafeed ku maamuustay Xubnihii Gudida Abaaraha ee ka yimid dhinac Muqdisho ee dhawaan lacagtii 1 Malyan ahayd soo gaadhsiiyey Guddiga Abaaraha dhigooda ah ee somaliland.
Kulankan oo ahaa mid si quruxbadan loo soo abaabulay waxaa ka soo qaybalay dhinaca Muqdisho waftigii ka yimid oo ka koobnaa Ganacsatada waxaana hogaaminayey Gudoomiyaha Rugta Maxamuud Cabdikariin oo ku magacdheer Gabeyrre,oday dhaqameedkana waxa hogaaminaya Gudoomiyaha Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad,Culimada Diinta waxaana
hogaaminaya Gudoomiyaha Guddiga Abaaraha ee Muqdisho Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Garabka Haweenka Canab Xasan Cawaale oo ah gudoomiye ku xigeenka ururrka qaranka Haweenka ee Muqdisho iyo marwo Sahra Maxamuud oo matalaysay ururrada bulshada rayidka ah ee Muqdisho.
Dhinaca Hargeysa
Maareeyaha Shirkadda Dahabshiil Cabdiraxmaan Cali Cabdi,ku xigeenkiisa Cabdifaarax,iyo madaxa xafiiska Muqdisho ee Dahabshiil Cabdraxmaan Sheekh Xasan,madaxa suuqgeynta iyo iibka guud ee Dahabshiil Cawil Saalax iyo saraakiill kale oo ka socday xarumaha Dahabshiil ee Hargeysa.
Dhinaca Xukuumadda somaliland
Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh khaliil Cabdillaahi,Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Axmed Cadarre,ayaa kamid ahaa masuuliyiintii ka soo qaybgashay kulankaasi ballaadhan ee lagu soo dhaweynayey xubnaha waftiga ka yimid Muqdisho kuwaasi oo xalay u hoyday isla markaana kaakadiihore ka soo jarmaaday magaalada xadka Jabouti iyo Somaliland u dhaxaysa ee Lawyo-caddo.
Kulankaasi waxaa iyana si weyn uga soo qaybgalay Gudiga Abaaraha ee bilihii la soo dhaafay ku mashquulsanaa uruurinta lacagihii faraha badnaa ee loogu gargaarayey dadkii ay Abaaruhu ku dhufteen waxaana kamid ahaa xubnahaasi Sheekh Maxamed Aadan Axmed,Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh Khaliil Cabdillaahi,Suldaan Maxamuud Axmed Guuleed,Suldaan Siciid,Yuusuf Ducaale,Agaasimaha wasaaradda Madatooyada Khadra Xaaji Gaydh iyo agaasimaha xafiiska samafalka Aamina Maxamuud Diiriye iyo qaarkale..
Furitaankii shirkaasi qado sharafeedka ahaa ee lagu maamuusayey soo dhaweynta xubnaha waftigii ka soo kicitimay Muqdisho ee deeqda lacageed soo gaadhsiiyey bulshada Goballada Galbeedka iyo koonfurta Somaliland isla markaana ay qabatay Shirkadda caanka ah ee Dahabshiil waxaa ka hadlay Sheekh Maxamed Aadan oo ah imaanka Masaajidka weyn ee Cali Mataan isla markaan ah xubin ka tirsan Guddiga Abaaraha waxaanu sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan walaalahooda ka damqaday dhibaatadii baaxadda lahayd ee Abaaraha halsita galiyey siiba Goballada Awdal iyo Salal
Sheekhu waxa uu tilmaamay inay deeqdan ay walaalaha Muqdisho ka yimid soo gaadhsiiyeen walaalahooda Abaaruhu ku dhufteen inay ka dhalatay jawaabtii wanaagsanayd ee ay Hargeysa ka bixisay markii ay sanadkii 2o11 kii sidan oo kale Abaaro lagu hoobtay cagta mariyeen deegaannada badhatamaha iyo koonfurta dhinaca ay ka yimideen waftiga lacagta keenay “anigu waxaan leeyahay deeqdan lacageed ee 1 ka Malyan ah ee ay guddiga Abaaraha ee Muqdisho ka yimid inna soo gaadhsiiyeen waannu ka gudoonnay gacanteenna ayeyna ku jirtaa laakiin waxay jawaab u tahay sidii fiicnayd ee aynu innaguna barigii ay sideenna oo kale Abaartani ku dhacday ugu gurmannay” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan Muxumed.
Maareeyaha Shirkada Dahabshiil Cabdiraxmaan Cali Cabdi waxaanu ka warramay ujeedada casuumaddan qiimaha badan ay ka Dahabshiil ahaan ugu maamuseen waftigan deeqda lacageed soo gaadhsiiyey dadkii Abaaruhu saameeyeen naftooda iyo maalkoodiiba waxaanu sheegay inay tahay madcelin loogaga shukri naqayo inay garteen tii iyagaba soo martay ee loogu gurmaday oo kale inay taagantahay waxaanu yidhi “anaga oo ku hadlaya magaca shirkadda Dahashiil Group iyo kan Guddiga Abaaraha oo sida xubnaha kale ee Ganacsatada ahba aan xubin ka ahay waxaan idin leeyahay aad iyo aad baanu idiinu kaga mahadcelinaynaa xubnaha kaladuwan ee Ragga iyo Dumarkaba leh ee wakhtigoodii iyo xoolahoodiiba u soo huray inay markastaba garabtaagnaadaan walaalahooda dhibaataysan ee ay Abaaruhu soo gaadheen waxaanan nahay dad walaalo ah oo isu damqanaya annaguna ka Dahabshiil ahaan marwalba waannu garabtaanaggnahay dadka dhibaatada noocan oo kale ah iyo kuwa kaleba ilaahay haynaga hayee”
Maareeyaha Dahabshiil Cabdiraxmaan Cabdi waxa uu sheegay inay Dahabshiil tahay shirkad caalami ah meelo kaladuwan oo dadka Afka Somaliga ku hadlaa ay daganyihiin iyo waddamo kaleba xafiisyo ku leh isla markaana u taagan hadd iyo jeerba inay gacan qabato bulshadu halka ay ka jilicdasantahay “annagu taana “Muqdisho” xarumo-ayaannu ku leenahay tanna “Hargeysa” waannu ku leenahay ujeedadayaduna waa inaanu is barbar taaggno bulshadu hadba meesha ay ka jilicsantahay” ayuu yidhi.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Hargeysa Maxamed Shukri Xuluul oo madashaasi laysku arkay ka hadlay waxa uu bariido quruxbadan ku salaamay fadhigii loo dhamaa ee madashaasi waxaanu yidhi “aniga oo qofkasta oo madashan qiimaha badan ee Dahabshiil innoo qabatay milgihiisa uu mudanyahay ku salaamaya waxaan idin leeyahay Salaamullaahi Caleykum” ayuu yidhi Maxamed Shurkri Xuluul.
waxaanu ka hadlay dareenkiisa aadan deeqdan lacageed ee ka timid Muqdisho ee la soo gaadhsiiyey dadkii Abaaruhu saameeyeen noloshooda waxaanu sheegay inay tahay afcaal wanaagsan oo islaanimada iyo walaalinimadaba ku fiican in sidan oo kale laysugu soo gurmado markay ay masiibooyinka noocan oo kale ahi meel ka dhacaan balse waxa uu xusay 5 sano ka hor markii xubnihii Muqdisho lacagtii gurmadka Abaaraha gaadhsiiyey ee uu ka midka ahaa ay tageen inaan wax faragelin ah lagu samayn lacagtii ay geeyeen isla markaana ay si quruxbadan oo nadiif ah u gaadhay bulshadii jilicda sanayd ee loogu talogalay waxaanu yidhi “waftigii Abaaraha ee 5 Sano ka hor Muqdisho Abaartii ka dhacday deeqdii lacageed geeyey ayaan kamid ahaa waxaanse rabaa inaan idiin sheego soo dhaweyntii naloo sameeyey ka sakow lacagtii aannu geynay inaanan wax fargelin ah nagalu samayn ee sidii la rabay aanu u qaybinnay dadkii loogu tago galayna u gaadhsiinay”
Xuluul waxa uu intaa ku sii daray “xattaa markii aannu qaybinaynay lacagtaasi dadkii nala qaybinayey mararka qaarkood waxaa kamid ahaa Madaxweynihii xilligaasi [Sheekh Shariif] ” ayuu yidhi waxaanu xusay inay Xubnaha waftigan Muqdisho ka yimid iyana sidan oo kale indhahooda ku soo arkeen dadkiii baahidu haysay ee Abaarugu cagta mariyeen.
dhanka kalana Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Shukri waxa uu halkaa ka jeediyey erayo lagu wada dhoollo-cadeeyey oo kaftan ahaa waxaanu sheegay ka Guddi ahaan iyo shacab ahaamba inaanay Guddiga Abaaraha Muqdisho sidii Hargeya uga jawaabtay oo kale u gacan fududayn isla markaana aysan is lahayn lacagtan iyo sida degdegga ah ee ay ku yimaadeenba way u dhacaysaa “waxaa la yidhi fule xantiisa ma moogee waxaajiray dareen ah inaanu idinka gacan fududnahay oo aydaan sidayadii oo kale uga soo jawaabayn balse runtii waxaad la timaadeen gacan wayn oo na deeqday oo ah dhiigg joojin iyo hordhac waanan idiingaga mahadcelinaynaa” ayuu yidhi Maxamed Shukri Xuluul.
waxaa isna halkaa ka hadlay wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Axmed Cadarre waxaanu ka hadlay arrimaha keenay inay Abaarahan baahay ee dadkii iyo duunyadiiba galaaftay waxaanu ku sifeeyey dhulkii ilaahay oo xoolihii daaqijiray laga qoqobtay oo nin waliba yidhi intaa iyo intaa anigaa iska leh oo reer waliba qaybtiisii ootay taasina ay keentay inay xoolihihii wixii kale ee dhirta ku noolaa waayeen meel ay jaan iyo cidhib dhigaan masiibada ciriqeeda la bixin la’yahayna ay arimahaa ka dhasheen “markii nin waliba meell ootay ee aynu nidhi hadaannu reer Heball nahay intaa annagaa isla keh oo xoolihii iyo xayawaanaadkii ku noolaaba waayeen meell ay afka saaraan dee markaasay masiibadu dhacday ee waxaan idin leeyahay aan dib isugu noqono oo aan ilaahii inna abuurtay ee dhulka iska lahaa u dayno” ayuu yidhi Mr Cadarre.
waxaa isna halkaa ka hadlay Maxamed Cali Muxumed oo ahaa Gudoomiyaha Guddiga Abaaraha isla markaana ah madaxa shirkadda Oomaar inertnational waxaanu ka hadlay qiimaha ay leedahay walaaltinimada iyo isku damqashadu gaar ahaan dadka Somaliyeed waxaanu yidhi “aniga oo ku hadlay magaca shirkadda Oomaar iyo gan Guddiga Abaaraha ee aan ka tirsanahayba waxaan idiinku mahad celinayaa walaaltinimada iyo gurmarka aad noogu tiimaadeen waanan idin soo dhaweynaynaynaa” ayuu yidhi Maxamed Cali.
Suldaan Maxamuud Guuleed oo halkaa ka hadlay waxa uu soo dhaweeyey kaalinta shirkadda Dahabshiil kaga jirto hormarka bulshada iyo inay hadba kooda baahan ee jilicdasan is barbartaagto isaga oo dhanka kalana wax fiican ku tilaamay waftiga lacagta ka keenay Muqdisho taas oo ah inay gudayeen Abaall horey loogu galay taasina ay tahay caalo fiican oo mudan in horey loogu sii socd “waftigan walaalaheen ah ee Muqdisho inooga yimid waanu soo dhaweynaynaa waxaanan leeyahay bulshadu waa dad walaalo ah waxbana uma dhexeeyaan aan wanaagga ahayn balse xadhigaa yar ee la kala jiidanayo wuu jiraa markaa inta uu isagana xaalkiisu dhinac uun udhacayo dadku way isku damqanayaan idinkana waanu idin soo dhaweynaynaa waanad ku mahasan tihiin deeqdan aad gaadhsiiseen dadkii u baahnaa” ayuu yidhi Suldaan Guuleed.
Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi oo halkaa ka hadlay waxa uu carrabka ku ballaadhiyey sida ay deeqdan lacageed ee waftigani keeneen ugu soo aadday goortii loo baahnaa iyada oo la gaadhsiin doono goobihii loogu talogalay sida madashaasi laga sheegay.
Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed waxa uu farta ku fiiqay sida ay wax badani uga dhexeeyaan shacabka Hargeysa iyo Muqdisho isla markaana ay isugu damqanayaan waxaanu sheegay inay fiican tahay in laysu naxariisto marka ay sidan oo kale masiibooyinku u dhacaan balse waxaa uu tibaaxay ina cid waliba ku faraxsan tahay jawaabta ay ka soo bixiyeen reer Muqdisho Abaarahan dadka iyo duunyadiiba ku dhinteen “mara ay sidan oo kale dhacdo masiibo waxaa fiican in laysu naxariisto sidan oo kale waana tan ay maanta cid waliba ku faraxsan tahay” ayuu yidhi.
waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Muqdisho Maxamuud Cabdikariin Gabeyrre waxaanu ka hadlay qaabilaadda wanaagsan ee shacab iyo xukuumadba lagu soo dhaweeyey loogana gudoomay deeqdii lacageed ee ay soo gaadhsiiyeen dadkii walaalohooda ahaa ee u baahnaa “waxaan u mahad celinayaa dadkii faraha badnaa ee shacab iyo xukuumadba lahaa ee ilaa maalintii aannu Hargeysa ka soo degnay gacanta nagu hayey waxaanse si gaara ugu mahadcelinayaa Shirkadda wayn ee Dahabshiil ee maanta annaga iyo idinkaba inoo samaysay martiqaadkan qaaliga ah” ayuu yidhi Mr Gabayrre.
Mr Gabayrre waxa uu tilmaamay guud ahaan umaddii Somaliyeed inay iyagu is xaalufiyeen kadibna ilaahay dhulkoodii xaalufiyey taasina ay tahay midda keentay Abaaraha iyo masiibooyinka soo noqnoqonaya “dhulkeennii innaguu filaan waayey ee innagaa is xaafulinnay markaasuu ilaahay dhulkeennii xaafuliyey oo Abaaraha iyo masiibooyinka aynaan horey u arkijiran innagu salliday waxaanan leeyahay aan ilaahay u toobad keenno oo aan is wada cafino”
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Muqdisho Maxamuud Cabdikariin Gabayrre waxa uu madasha kaga kafatay “walaalayaal ilaa intii aan joognay sidii aad noo soo dhaweyseen baa nagu filan balse haddii aan waxyar dib u laabto idinku markii hore idinka oo aanaan idin filanayn ayaad noo timaadeed oo waad soo degdegteen waayo idinka fudaydka ayaa laydinku yaqaannaa annaguna hadda waxaanu nimid annaga oo soo daahnay waayo waxaa nalagu yaqaanna cag culayska iyo inaan soo jiitanno oo taasi waa dhaqaneenna aynu kala leenahay” ayuu yidhi Maxamuud Gabayrre.
Gabayrre oo kaftankiisa sii wata waxa uu yidhi “walaalayaal Hargeysa waxaannu nimid annaga oo degdegayna waxaanu degdegaasi keenay inaanu isla galabtii aannu nimid habeenimadiiba xoolihii aanu wadnay iska wareejino culayskooda ilaahayna wuu na asturay oo annaga oo iska wareejinnay ayuu Roobkii da’ay waayo annaga oo aan wali gacantayada ka wareejin hadduu roobku di’i lahaa waxaa la odhan lahaa markii horaba meell aan hagaagsanayn baad ka timaadeen laakiin annaga oo calooshayadu fiicnayd iyo dadkii aannu ka nimid oo niyadoodu wanaagsanayd habeenkiina uu sheehku noo duceeyey subaxdiina Madaxweynuhu na horkacay “Siilaany” ilaahay Roobkii wuu noo shubay”
Gudoomiye ku xigeenka ururka qaranka Haweenka Muqdisho Marwo Canab Xasan Cawaale oo iyana halkaa ka hadashay waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay imaatinkeeda Hargeysa waxaanay tidhi “anigu hooyaan ahay waxaanan dareemayaa hooyada uurka leh ee ka soo doogtay Abaarihii ee aan dharka iyo hoyga toona haysan iyo ilmeheedayar ee hoos fadhiya markaa waxaan xukuumadda,ganacatada iyo shacabkaba leeyahay dadkii aannu soo aragnay hadda waxay halis ugu jiraan dhaxanta iyo biyaha Roobka ee dharka Guryaha iyo Boorsooyinka inooga wada buuxa aan u gayno”
Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo isna madashaasi ka hadlay waxa uu mahad u celiyey Shirkadda Dahabshiil oo uu sheegay inaanu jawigan qiimaha badan iyo kaftankaasi dheceen iyada la’aanteed “marka hore waxaan u shukri naqayaa Shirkadda weyn ee Dahabshiil ee Barnaamijkan qiimaha badan inoo qabatay kaas oo iyada la’aanteen aynaan kulankan qiimaha badan isugu nimaadneen” ayuu yidhi Oday Xaad.
Oday Maxamed Xasan Xaad waxa uu tibaaxay inay isaga iyo xubnihii waftiga uu hogaaminayey jid dheer oo aanay waligood hadda ka hor aragg u mareen si ay indhahooda ugu soo arkaan baaxadda dhibaatada Abaaraha ee dadka ku nool Goballada Awdal iyo Salal “waxaa sharaf waynn noo ah inaannu idhahayaga ku soo aragno baaxadda Abaaraha iyo dadkii ay saameeyeen oo dhul aanaan waligayo arag aanu tagnay sababtoo ah waxaa la yidhaadaa warka la guu sheegaa lamid maaha ka aad aragto oo kale” ayuu yidhi Oday Xaad.
“waxa kale ee na farxad geliyey waxa uu ahaa inaannu xalay soo seexannay degmaa Lughaya oo ah magaalo xeebeed aanaan waligayo aragg waxaanay arrintaasi ahayd mid aanu ku faraxsanayn oo ah Risaaladii naloo soo dhiibay oo aannu sideedii u gudbinay annaguna waanu ku qanacdanaynahay dadkii xukuumad iyo shacaba lahaa ee xoolahaa noo soo dhiibayna waanu ku qancin karraa wixii aannu soo araganay” ayuu yidhi Oday Xaad.
Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad waxa uu sheegay waxyaabaha kale ee farxadda galiyey inay kamitahay inay so arkeen bulsho dhan oo wada heshiis ah oo xukuumadeeda iyo shacabkeedaba dhan kaliya u wada socota taasina ay tahay wax fiican oo mudan in lagaga daydo “annaga waxaakale oo si weyn noo farxad geliyey inaannu indhahayaga ku soo aragnay bulsho dhan oo heshiis wada ah isla markaan xukuumadeeda iyo shacabkeedaba dhan kaliuya u wada socota taasina waa fariin wanaagsan oo anagu geyn doono waxaanay mudan tahay in lagaga daydo” ayuu yidhi Oday Xaad.
dhanka kalana waxa uu sheegay arrimaha kale ee uu aadka ula dhacay inay kamid ahaayeen inuu soo arkay culimadii diinta oo wada shaqaynaya oo dhinac kaliya u wada jeeda oo aan isku khilaafsanayn danaha shacabkooda “waxaan xalay meell wada seexannay niman wadaaddo ah waxaana isoo jiitay inay dhan kaliya u wad shaqaynayeen shacabkooda waayo annaga kuwa xagayaga joogaa “Muqdisho” taa ma yaqaanaan waana meelaha aan is leeyahay bulshadu ka liicaysaa” ayuu yidhi waxaanu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey”waxyaaba fiican waa lays qaadsiiyaaye anigu dhawr jeer oo hore ayaan Hargeysa imid waxaanan ka qaadanayey waayo aragnimo iyo fikir ka fiican kii aan ka imid “Muqdisho” waxaanan marar badan is idhi aar heey halkan mayska soo degtaa oo koley dhulkale oo shisheeye ayaaba la tagaayoo loo nasasho tagaaye oo waliba sharci inaad ku joogto lagaa doonayo ee halkan lagaa jecel yahay oo qofwaliba magacaaga kuugu yeedhayo kuna garanayo inaad ku nasataa waa wax nasiib wanaagga ah ayaan i dhi” ayuu hadalkiisa kus oo afmeeray Gudoomiyaha Guddiga Abaaraha Muqdisho ahna Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland