Dr Cabdi Aw Daahir Oo Burco Ku Geeriyooday Iyo Madaxda Qaranka Oo Geeridiisa Ka Hadashay

0
343

Burco(Xogsoormedia.com):- Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo ka mid ahaa Dhakhaatiirta waawayn  iyo Siyaasiyiinta reer Somaliland,ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta miisaanka culus ee dalka soo maray waxaanu soo qabtay xillaka wasaaradaha Caafimaadka,Xannaanada Xoolaha iyo shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Xoghayihii gud ee Xisbigii uu aasaasay Madaxweynihii hore ee Somaliland ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

1-40-90x90

waxaanu la soo shaqeeyay Madaxweyneyaashii Somaliland soo maray sadex ka mid ah oo uu wasiir u soo noqday iyo Xoghaye guud oo xisbi.

Dr Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali ayaa ahaa Dhakhtar aqoontiisu ay ahayd digtoor qaliinka carurta ah kaasoo uu kali ku ahaa aqoonta qaliinka carruurta.

ALLE ha u naxariistee waxaa kale oo uu ka mid ahaa aqoonyahanadii ka soo qayb qaatay halgankii dalka dib loogu xoraynayay isagoo kaalin muuqata ka soo qaadat dagaalkii SNM kaga  dhiidhiyaysay nidaamkii kali taliska ahaa ee Siyaad Barre,waxaa  kale oo u marxuumku ka soo qayb qaatay oo uu kaalin wayn ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland isagoo Somaliland marna halgan dagaal u soo galay marna halgan dib u dhis ugu hawlanaa tan iyo markii uu kaalin qaaday.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,madaxda Sadexda Xisbi Qaran ee KULMIYE,WADDANI iyo  UCID,ayaa dhamaantood qaranka ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir Cali.

INNAALILAAHI WA INNAA ILLAYHI RAAJICUUN.

Taariikh nololeedkii Dr Marxuum Cabdi aW Daahir Cali oo guud mar ah halkan hoose ka halacso.

Taariikhda Dr Cabdi Aw-daahir oo geeriyooday Maanta

1956 ayuu ku dhashay Deegaanka Oodweyne waxa uu dugsiga hoose ka galay magaalad duruqsi ,1966kii ayuu dugsiga Boodhinka ah ee Oodweyne galay, 1970-kii waxa uu galay dugsigii sare ee camuud 1974kii ayuu jaamacadii Umadda ee magaalada Muqdisho galay waxaanu sannadkii 1979kii ka baxay kulliyada daweynta iyo qalliinka, 1980kii waxa uu shaqada dhakhtarnimo ka bilaabay cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaanu sannadkii 1981kii noqday iskudawaha qaxoontiga ee shabeelada dhexe
1982 waxa loo soo bedelay cisbitaalka Burco oo uu ka noqday dhakhtar qalliin markii dambena isu-duwe caafimaad ilaa sannadkii 1988.

1988 waxaa uu ka mid noqday  SNM isagoo ka qayb qaatay halgankii dib u xoraynta dalka.
1991 waxa uu noqday isu-duwanaha caafimaadka ee Togdheer iyo dhakhtar qalliin .
1997kii waxa uu noqday wasiirka caafimaadka ee xukuumaddii madaxweyne Cigaal ee Somaliland .
2000 waxa uu ka mid ahaa afar xubnood oo asaasay xisbigi UDUB isaga , Cigaal,Gees, iyo cabdi Yuusuf. waxaanu noqday xoghayihii ugu horeeyey ee xisbiga UDUB. ka dib waxa is khilafeen madaxweyne Riyaale
2013 ayuu xisbiga Kulmiye ku biiray
waxaanu u wareegay magaalada Burco isaga oo ka ahaa dhakhtar .2004tii
sannadkii 2011-kii ayuu noqday wasiirka xanaanada xoolaha bishii labaad ee 2015kii ayuu madaxweyne siilaanyo u magacaabay wasiirka arrimaha bulshada iyo shaqada.
October 26, 2015 ayuu iska casilay xilkii wasiirnimo .
waxaanu ka mid ahaa xubno xukuumada Siilaanyo siyaasad ahaan ka hor yimi .
6April 2016 ayuu Burco ku geeriyooday isaga oo ah 60 sanno jir ah alle ha u naxariisto

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here