War: Deg Dega Xukuumada Soomaaliya Oo Hal-Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Dawlada Somaliland Si Wax Loogaga Qabto Abaaraha Ba’an Ee Ku Habsaday

0
362

Muqdisho(Xogsoormedia.com) Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ay weheliyaan wasiirka warfaafinta beeraha iyo gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa mar dhaweyd ka dhoofay garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee Aadan Cade International Airport iyaga oo ku sii jeeda magaalada Hargeysa.

Waftigani ujeedada ay garoonka diyaaraha ee Aadan Cade u dhoofeen  ayaa ah deeq lacageed oo ay gaadhsiinayaan dadka ay saameynta weyn ku yeelatay abaartu ee ku nool dalka Somaliland.

Wafdiga u Ambabaxay Soomaaliland waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed C.kariim Gabeyre, Guddomiye Ku Xigeenka Heyadda Culimada Soomaaliyeed Sh Nuur Baaruud Gurxan, Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad iyo Masuuliyiin kale oo ka socda Ururada Bulshada Rayidka.

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in lacag Hal-milyan oo Doolarka Mareykanka ah ay dowladda Soomaaliya ku caawineyso dadka ay abaaruhu saameeyeen ee dalka jamhuuriyada Somaliland, isaga oo tilmaamay in dhaqqaalahan ay ku deeqeen shaqaalaha dawlada iyo masuuliyinta sarsare ee dawlada Soomaaliya.

Wixii warara ee danbee ka soo kordhana waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here