Hargeysa(Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay aaskii Dr Cumar Cilmi Dixood, oo si qaran loogu aasay Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu xabaasha kula kulmay Xubno ka mida qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii Digtoorka, waxaanu ka tacsiyadeeyey madaxweynuhu ka sheegay xabaasha dusheeda hadal kooban oo uu ku tilmaamay inuu ahaa halgamaa ka soo qaybqaatay la soo noqoshada madaxbanaanida dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Qaranka Somaliland, ilaa haddana uu ka mid ahaa masuuliyiinta dalka.
Dr Dixood ayaa aaminsanaa Diinta Masiixiga , waxana uu ka mid ahaa aasaayaashii ururkii dib u xoraynta Somaliland ee SNM.
Hadda waxa uu ahaa la taliyaha gaar ka ah ee madaxweyne Siilaanyo, waxana maanta lagu Aasay dhul uu gaar u leeyahay oo ku yaalla magaalada Hargaysa.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland