Maamul Goboleedka Puntland Oo Aqbalay Hanaanka Doorasho Ee 2016 Iyo Madaxweynaha Soomaaliya Oo Hanbalyeeyay.

0
371

Garoowe(Xogsoormedia.com) Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay dadaalka dheer ee Raysal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo dowladda Puntland u galeen horumarinta danta Soomaaliya.
Madaxweynuhu wuxuu si weyn u soo dhaweeyay ogolaanshiyaha ay  dowladda Puntland ku oggolaatey qaabka doorashooyinka 2016 iyo wixii ka dambeeya.

Sidoo kale qabyo-qoraalka heshiiskan waxaa lagaga wada haddlay dadaal dheeriya, oo ay ku jiraan qodobo aad u mihiima oo ay haboon tahay in laga wada hadlo.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u mahad celinayaa dhammaan beesha caalamka , shacabka, isimada, waxgaradka iyo ururrada bulshada dadaalka ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, dal iyo dibadba, iyo beesha caalamka iney u gargaaraan dadka ay saameysay abaaraha ka jira Soomaaliya

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here