Boorama(Xogsoormedia.com):-Weftigii heer Qaran ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ee taakulaynta Gurmadka dadka abaaruhu halakeeyeen ku soo marayay Gobolada Awdal iyo Selel ayaa maanta soo gaadhay magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa ka war bixiyay xaalada nololeed ee ay deegaanada ay marayeen ay ku soo arkeen isla markaana Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inta qaadka cunta in ay laba maalmood oo kaliya qaadka iska daayaan oo ay lacagta qayilaada kaga qayb qaataan taakulaynta gurmadka abaaraha.
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland