Tirada Dhimasho iyo Dhaawac Ee Saraakiil Turki Ah Oo Muqdisho Lagu Weeraray

0
440

Muqdisho (Xogsoormedia.com):- ugu yaraan lix ruux oo laba ka mid ahi ay  u dhasheen dalka Turkiga  ayaa ku dhintay   weerar lagu qaaday shaqaalaha Cisbitaal ay  Turkigu Muqdisho ku leeyihiin  galabta.

Waxaana ku dhaawacmay tiro dad ah oo ay ku jiraan  dhawr qof oo Turkiga u dhasahay iyo kuwo u dhashay dalka Kenya.

2016330635949501592370480Weerarkii_Turkida_iyo_Soomaalida_lagu_laayay_660

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia ayaa sheegay in lixda qofood ee lagu dhaawacay weerarkan ay kala ahaayeen; shan qof oo Turki ah iyo qof Keenyaan ah oo la sheegay inay macallimiin caafimaad ahaayeen.

“Dhakhaatiirta la laayay iyo kuwa la dhaawacay waxay ahaayeen arday iyo macallimiin ka shaqeynayay Isbitaalka Deva oo ah mid uu Turkigu ku leeyahay Muqdisho,” ayuu hadal uu saxaafadda siiyay ku yidhi afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane.

Turkida iyo Soomaalida maanta dilalka iyo dhaawacyada loogu geystay Muqdisho ayaan la sheegin weli magacyadooda, waxaana la sheegayaa in dadkan uu ku jiray dirawalkii gaadhiga waday, mid ka mid ah ilaaladoodii iyo qof kale oo turjubaan u ahaa, kuwaasoo Soomaali ahaa.

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay  weerarka lagu dilay saraakiisha Turkiga ,ayaa weerarkaa ku tilmaamay mid fulaynimo ah oo ay gaysteen koox fulay ah oo ka xun xasiloonida Soomaaliya,waxaanu sheegay in ay la xanuunsanayaan walaalahooda Turkiga ah ee weerarka lagu qaaday

 “Waanu la xanuunsaneynaa walaalaheen Turkiga ee Muwaadiniintooda iyagoo u adeegaya shacabkeenna la dhibaateeyay, Waana ka xun-nahay falkaas,” ayuu yiidhi RW Somalia War-saxaafadeed caawa laga soo saaray xafiiskiisa Muqdisho.

Dalka Turkiga ayaa Caasimadda  Soomaaliya ee Muqdisho waxaa ka jooga shirkado iyo shaqaale aad u tiro badan oo ka hawl gala qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay Safaaradda Soomaaliya  uu dalkaasi ku leeyahay,dhakhaatiir macalimiin iyo shirkado kale oo ka hawl gala madaarka iyo dekeda Muqdisho

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here