Cabdiqaadir(Xogsoormedia.com):-“Waxyaabaha noogu daran ee aanu soo aragnay waxaa ka mid dadka soo guuray ee xooluhu ay ka bexeen oo ah sida reer magaalka hooyooyin caruurtoodu isku nuug tahay oo jilicsan oo duruufta haysataa ay adagtahay.” Sidaa waxaa hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo waraysi gaar ah xalay khadka tilifoonka ku siiyay wargeyska DAWAN isagoo ku guda jiray socod gurmad oo ay deeqo cunto iyo biyo ah ku gaadhsiinayeen dadka abaaruhu ku dhufteen ee gobolada Awdal iyo Selel oo uu muddoba safar gurmad ugu maqnaa isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxaa kale oo uu qaylo dhaan u diray Ganacsatada reer Somaliland gudo iyo dibadba iyo dalalka dariska beesha caalamkaba oo uu ka codsaday in ay gurmad la soo gaadhaan dadka ku tabaaloobay abaaraha ku dhuftay Somaliland oo maraysa sadex jir.
Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay imika xaaladu tahay oo uu tilmaamay in ay ugu yaraan 20 kun oo qoys ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah kuwaasoo ku dhaqan ama ku rafaadsan deegaanada gobolada Selel iyo Awdal.
“Dadkii soo hayaamay ee xeebta u soo dhaadhacay oo nugulkii ah xoolihiina ay ka bexeen iyo dadkeenii deegaanadaa degenaa oo iyagana abaartu ku sadex jirsatay oo jilicsan ayaa is dul yaalla oo xaaladoodu halis ku jirtaa waxaanay gaadhaan dadka dhibaataysan ee gurmadka iyo samato bixinta u baahani ugu yaraan illaa 20 kun oo qoys oo isugu jira soo guurtadii iyo dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee deegaanadaa degenaa waxaanay 20 kun ee qoys filiqsan yihiin deegaanada gobolada Awdal iyo Selel. Intii aanu socdaalkan ku gudo jirnay waxaanu dadka gaadhsiinay cuntooyin kala duduwan oo isugu jira kuwa deg dega ah sida Timir Buskud iyo Roodhi iyo Raashin kale iyo Biyo. Dadka xoolihii way ka bexeen inta u hadhayna way jilicsan yihiin oo xaalad adag ayay ku jiraan dadkuna aad ayay u jilicsan yihiin.”
Madaxweyne Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in dadka soo guuray ee ka soo hayaamay dhanka Itoobiya in marka wax la siiyo ee la quudiyo in dib loo raro oo lagu celiyo deegaamadoodii laakiin dadkii soo guurtada ahaa boqolkiiba 20 in ka yar ayaa dib u guurtay oo ogolaatay in la celiyo dadkuna waxay yidhaahdeen halkii aanu ka soo hayaanay nololi kama jirto oo dhibaatadii abaarta ee aanu kaga nimi oo ka sii dartay ayaa ka jirta xoolo aanu la noqonona ma haysano oo xoolihii way naga bexeen, midda kale dad in la raro xamilayaba maaha oo waa nugulkii jilicsanaa oo ay baahiduna u dheer tahay markaa waxaanu rarnay inaanu joognay 20 gaadhi oo 15 baabuurna waxaanu ku rarnay dadkii 5 gaadhina waxaanu ku qaadnay xoolihii halkaa waxaad ka garanaysaa 15 ka gaadhi dadka lagu raray ee xoolohoodiina shan gaadhi ay noqdeen sida dadka xooluhu uga bexeen.
Markaa imika waxaanu qorshanay in dadkan halkooda wax lagu siiyo isla markaana gurmadku socdo ALLE barigana la joogteeyo sababtoo ah dhibaatada meesha taallaa maaha mid gacan aadami ay dabooli karayso ALLE oo kaliya ayaa dhibaatadaa abaarta inaga dul qaadi kara RABBI ayaanan ka baryaynaa in uu inoo naxariisto oo uu abaarta inaga soo jabiyo.”
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna Guddoomiyaha Gudiga gurmadka abaaraha ee heer qaran oo aanu waydiinay dalka Itoobiya oo ay u dhasheen inta badan dadka soo hayaamay ee Somaliland u gurmatay in ay gacan ka geysatay gurmadka samato bixinta dadka tabaalaysan,ayaa ku jawaabay.
“Illaa imika ma jiro wax Itoobiya iyo dalalka kale ee jaarka ah sida Jabuuti naga soo gaadhay laakiin Dawladda Somaliland iyo dadkeeda ayuunbaa dedaalaya oo waxay awood ahaan hayeen dadkooda ugu gargaaraya laakiin baaqyo waanu u dirnay dalalka dariska in ay naga soo caawiyaan dhibaatada jirta ee ay abaarta sadex jirsatay keentay oo ka wayn awood ahaan haynta Xukuumadda Somaliland, dalalka carabta ayaa iyagu gurmadka nagala qayb qaatay imikana waxaa la filayaa in ay gacan ka geystaan Hay’addaha caalamiga ahi oo Care iyo kuwo kale ayaa la filayaa in ay dhakhso gurmadka uga qayb qaataan imikana meelaha qaar ayay biyo dhaamin ka bilaabeen.”
Madaxweyne ku-xigeenka oo ka jwabaayay su,aal ahayd imika waxa ugu way nee ay dadka uga yimaadeen,ayaa ku jawaabay. “ Dadka wax ay cunaan iyo dawo itii haynteenu ahayd waanu gaadhsiinay waxaa kale oo aanu hawl galinay lix ceel biyood oo deegaanada Xeebta u badan oo aanu siinay markii hore todoba cisho shidaal ay ku shaqeeyaan si ay dadka biyaha u gaadhsiiyaan oo ay lacag la,aan dadka ugu waraabiyaan booyadihiina waanu uga nimi oo ceelasha ayay biyaha ka qaadayaan oo dadka ayay gaadhsiinayaan imikana waxaanu lixdaa ceel uga nimi shidaal ay ku shaqeeyaan 14 cisho oo xidhiidh ah oo habeen iyo maalin ah si ay dadka u waraabiyaan sababtoo ah dadku ma haystaan wax ay biyo ku iibsadaan oo xoolihii way ka bexeen mana awoodaan in ay biyo dhaansadaan markaa Booyadaha ayaa biyaha dadka gaadhsiinaya dawlad ahaanna waxba kala hadhi mayno awoodayada in aanu dadkaa u gurmano.”
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxaa kale oo uu baaq u diray dadka reer Somaliland ee wax haysta dibad iyo gudaba iyo beesha caalamka oo uu ka codsaday in ay dadkooda tabaalaysan gurmad la soo gaadhaan.
“Waxaanu aragnay iyo sidaanu moodaynay aad ayay u u kala duwan yihiin dadkuna wuu jilicsan yahay xoolihiina way ka bexeen.waxaanan beesha caalamka ugu baaqayaa in ay u soo gurmadaan dadka abaaraha ku waxyeeloobay oo ugu yaraan 20 kun oo qoys ay halis ugu jiraan dhibaatada abaarta taasoo ka wayn kana awood badan haynta Xukuumadda Somaliland ”
Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo khadka tilifoonka ugu waramay wargeyska DAWAN xalay isagoo ku gudo jira gurmadka dadka abaaruhu ku dhufteen ee heer qaran ee gobolada Awdal iyo Selel.
Xigasho Dawan
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland