Khilaafka Xisbiga UCID Oo Gaadhay Heer Gobolada Uu U Gudbo iyo Masuuliyiinta Togdheer Oo Is Eeday

0
317

Burco(Xogsoormedia.com):- Khilaafka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhexeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Eng Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Jamaal Cali Xuseen,ayaa  u gudbay gobolada isla markaana ka dhex qarxay masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo kuwa demada Burco.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer Aadan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in uu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Xisbiga degmada Burco isla markaana soo saaray waraaq uu xilka kaga qaadayo oo uu sheegay in ay waafaqsan tahay xeerka Xisbiga kuna dooday in uu hore isagu xilkaa ugu magacaabay.

laakiin Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Degnada Burco Marwo Khadra Maxamed Cali,ayaa xil ka qaadisteeda ku tilmaantay mid aan waxba ka jirin oo aanu awood u lahayn Guddoomiye Aadan in uu  xilka ka qaado waxaanay intaa ku dartay in ay taageersan tahay Musharax Jamaal Cali Xuseen halka ay Guddoomiye Aadan isna ku eedaysay in uu la safan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe.

muranka Xisbiga UCID ee u dhexeeyay Faysal iyo Jamaal ee u gudbay illaa heer gobol iyo degmo ayaan illaa imika wax xal ah laga gaadhin cid ka odayaysayna aanay jirin taasoo sabab  u oqon karta in ay saamayn ku yeelato jiritaanka Xisbiga ee Mustaqbalka soo socda.

 

 

Xogoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here