Arday Da’yar Oo Gacan Ka Gaystay Taakulaynta Gurmadka Abaaraha’Deeq Lacageedna Ku Wareejiyay Wasiirka Tacliinta

0
446

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Arday  aad u da,yar oo wax ka barta Dugsiga gaarka ah ee Caalami oo ka furan Caasimadda Somaliladn ee Hargeysa,ayaa ka damqday xaaladda adage e ay ku sugan yihiin dadk reer Somaliland ee ay abaaruhu ku dhufteen,waxaanay gurmad  lacageed  oo ay kaga qayb qaadanayaan ku wareejiyeen ardayda iyo Maamulka Dugsigoodu Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane Cabdilaahi Dheere.

Deeqda lacagta ah ee ay ardayda Dugsiga Caalami ee magaalada Hargeysa  ay ku wareejiyeen wasiir Cabdilaahi Dheere oo dhmayd  11 milyan oo shilinka Somaliladn ah ayuu Wasiirka Waxbarashadu ku ammaanay dareenka way nee ay ardaydaa da,da yari muujiyeen iyo sida ay uga damqadeen ddkooda ay abaartu ku dhufatay.

1-29

Lacagta oo loogu talagalay in wax loogu qabto dadka abaarahu sameeyeeen ayaa Waxa maamulaha dugsiga caalami  uu deeqdan  ku wareejiyay wasiirka waxbarashada.

Maamulaha dugsiga caalami Cabdiraxmaan Seed Axmed oo ugu horeyn goobtaasi hadal kooban kazoo jeediyay ayaa sheegay inay waajib tahay in cid kaste oo wax helaysaa ay qab ka qaadato taakulaynta dadka tabaalaysan, waxaana uu sidoo kale uu sheegay qadarka lacagta ah ee ay iska soo ururiyeen ardaydaasi waxaana uu yidhi.

“Wasiir fariintii aad na fartay ee ahaa inaan arday gaadhsiino inay dareenka xanuunka badan la wadaagaan walaalahooda tabaalaysan ee abaartu saamaysay,ardaydaasi way kazoo jawaabeen manta, waxayna iska soo ururiyeen lacag dhan 11 Milyan oo Somaliland shilling ah, waxaana aan farayaa ardayda madaama ay arday islaama yihiin inay musasaacahooda ay u huraan taakulaynta dadka walaalahooda ee abaaru haleesha. Waalidkana sidoo kale waxaa leeyahay ka qayb qaata idinku gurmadkaa”Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Seed Axmed.

Dhanka kale wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habbane ayaa isaguna dhankiisa u mahadceliyay maamulka dugsiga Caalami, macalimiinta, ardayda iyo waalidintiiba sida heeganka markaste ugu yihiin inay ka qayb qaataan taakulaynta iyo gurmadka dadka walaalahoda ee ay abaartu saamaysay, sidoo kalena waxa uu sheegay inuu dusgigani yahay kii u horeeyey ee lacag so gaadhsiiya wasaarada waxaana  uu yidhi.

“Maamulaha dugsiyada caalami  iyo macalimiintaba aadbaan usoo dhawaynaynaa kaalinta ay waxbarashada dalka kaga jiraan iyo waliba siday u ajiibeen inay kazoo jawaab celiyaan fariintii aan faray aad iyo aad Ayaan ugu mahadcelinaynaa, dusgiganina waa kii u horeeyey ee deeq soo gaadhsiiya dadka abaaruhu sameeyeen fariintii aan diray kadib”Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Dheere

Si kasteba ha ahaate xukumadda Somaliland, saddexda xisbi qaran labada gole qaran, ganacsatada, dhalinyarada gobolada dalka iyo bulshada Somaliland ee ku kal sugan guddo iyo dibadba ayaa iyagu ah kuwo ay ka go’an tahay  inay soo kaalmeeyaan walaalahooda ay abaartu ku saameeysay gobolada iyo degmooyinka dalka

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here