“Muqdisho Hawiye Ayay Gaar U Tahay Dadka Kalena Waa Ku Marti Cid Kalena Talo Laga Waydiin Maayo.” Hoggaanka Dhaqanka Hawiye

0
383

Muqdisho(Xogsoormedia.com):-Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye oo maanta ku shiray Muqdisho ayaa waxa ay aad ugu nuuxnuuxsadeen in aaya ka talinta Caasimaddu ay gaar u tahay beesha degta qabiilada kalana ay marti ka yihiin.

Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, Maxamed Xassan Xaad oo Munaasabadda furay ayaa waxa uu ku dheeraaday ka hadalka qorshayaal socda oo lagu doonayo in aaya ka talinta caasimaddda ay qeyb ka noqdaan guud ahaan qabiilada Soomaaliyeed lagana gudbo habka Federalka ah ee Soomaalidu ay qaadatay.

hawi_2

 

“Gobalkaan sida gobalada kale ee Soomaaliyeed ayaa qabiil gaar ah deganyihiin waana in ay u tashadaan sida gobalada kale ay ugu tashadeen qabiilada degan. In 4.5 wax loogu qeybsaddo marka ay timaado ka hadalka Muqdisho waxa ay xadgudub ku tahay Xuquuqda Beelaha Hawiye”, Maxamed Xassan Xaad ayaa sidaasi sheegay.

 

“Muqdisho in ay caasimadii dalka tahay iyo in qabiil gaar ah dego labo ayey kala tahay. Qabiilada kale in ay ku noolaadaan uma diidanin hase yeeshee reerka cidii marti u ah waxba lagama weydiiyo cuntada loo karinayo”, Xaad ayaa intaasi raacsaday.

 

Axmed Diiriye Cali, Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa insa waxa uu ka hadlay Munaasabadda, waxa uuna yiri, “Inta aan aheyn gobalkaan marti ayey ka tahay ee ha ogaadeen. Aaya ka talintiisa gobalka Banaadir Hawiye ayey u gaar tahay”.

Dhamaan odayaashii munaasabadda ka hadlay waxa ay isku raaceeen in dhamaan beelaha Soomaaliyeed ay leeyihiin goballo ay ka taliyaan, gobalka Banaadirna uu yahay gobal kamid ah gobalada Hawiye ay degaan.

 

Afhayeen Diiriye ayaa waxa uu sheegay in dalku uu lahaa xilligii dowladii dhexe caasimadda 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad, waxa uuna intaa raaciyay in dhamaan caasimadihii kale qabiiladii deganaa ay u sameysteen maamullo u gaar ah qabiilada kalana ay marti ka yihiin sidaa darteed Muqdishana sidaas oo kale in Hawiye looga danbeeyo ay tahay qabiilada kalana ay noqdaan ku marti sharafle ka ahaadan.

 

Xildhibaan hore, Xuseen Caraale Cadaan, ayaa waxa uu yidhi, “Qabiil kasta  oo Soomaaliyeed wuu maamulaa gobalka uu deganyahay. Muqdisho waxaa degan Hawiye, maxaa u diiday in ay iyagu maamushaan. Dowladda Soomaaliya iyo cid kasta oo hor boodeysa olole Soomaali oo dhan aaya ka talinta Muqdisho wax looga weydiinayo waxa aan uga digeynaa in ay ka waantoobaan”.

 

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here