Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Hub Soomaaliya Si Sharci Darro Ah Lagu Soo Galinayay Oo Faransiisku Qabtay

0
399

 Muqdisho (Xogsoormedia.com) :-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay Hub sharci darro ah oo Soomaaliya ku socday isla markaana ay qabteen ciidanka caalamiga ah ee ilaalinta cunaqabaynta hubka ee Soomaaliya ee Faransiiska.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ciidanka Faransiiska ah ee qabtay markabka Hubka la sheegay in uu ku  socday dalka Soomaaliya ku hambalyeeyay isla markaana hubkaa ku tilmaamay mid u socday  wax uu ugu yeedhay qaswadayaasha Soomaaliya.

hub

 “Waa war lagu farxo, in Ciidamada Faransiiska ay gacanta ku dhigeen Doon Sidday Hub si Sharci-darro ah la doonayay in dalka lagu soo geliyo. Waa hubaal in hubkaan uu ku socday Qas-wadayaasha. Waxaan kaloo bogaadinayaa ciidamada Australia oo dhowaan gacanta ku dhigay hub kale oo loosoo waday Soomaaliya,’’ ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo uu  ka hadlay hub kale oo bilawgii bishan ay qabteen ciidanka badda Australia oo uu tilmaamay in ay ahayd hawl wanaagsan oo lagu farxo.

2016329635948537554265024Madaxweynaha_hub_la_Qabtay_660

 “Hawl-galka ay ciidamada Australia iyo Faransiiska kusoo qabteen Shixnadahan hubka ah, waxay xoojinaysaa qaraarkii kasoo baxay Golaha Amaanka ee QM oo tirsigiisu ahaa 2244 (2015) ee cunna-qabateynta hubka Somalia, kaasoo gacan ka geysanaya xasilloonida dalka iyo gobolka oo dhan. Tallaabadaan waa mid ku dayasho mudan oo aanu filayno in Dalalka kale ay iyaguna ku dhaqaaqi doonaan,’’ ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Somalia.

Waa marki labaad ee bishan gudaheeda ciidamadda reer Yurub ee ilaaliya badda Soomaaliya ay qabtaan hub sharci darro ah oo la sheegay in uu u socdo dalka Soomaaliya ee ay dagaaladu aafeeyeen.

Waxaana laga shaki qabaa in ay jiri karaan hub kale oo si tuugo ah ugu gudbay gudaha dalka Soomaaliya. Isla markaana ay u gacan galeen kooxo kala duwan oo ka dagaalama Soomaaliya.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here