Beledweyne (Xogsoormedida.com):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa guul darro kala kulmay kulan uu la yeeshay Madaxdhaqameedka Gobolka Hiiraan isla markaana kulankoodu uu ku soo dhamaadayy natiijo la,aan laguna kala dareeray.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo war baahinta la hadlaya ayaa u xaqiijiyay in kulanka ay madaxweynaha Soomaaliya yeesheen in uu ku dhamaaday guul darro isla markaana lagu kala tegay iyadoo aan wax is afgarad ah la isla gaadhin.
“Madaxweynaha Somalia, waxaan u sheeganay saddexdii Qodob ee aan ka Wada-hadalnay RW Sharma’arke, siddexdii qodob ee aanu hor-dhignay… wax jawaab ah nagama siin sidaa ayaana ku kala tagnay,” ayuu yidhi Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Kulankan ayaa la doonayay in la iskula qaato sidii maamul goboleed loogu samayn lahaa deegaamada gobolaha Hiiraan iyo Jawhar.
Laakiin Madaxdhaqameefka Hiiraan oo iyagu gacanta ku haya talada dadka deegaanka islamarkaana muddooyin badan oo dalka Soomaaliya bilaa dawlad ahaa gacanta ku hayay nimaamka dhaqanka deegaanka isla markaana ku doodayay in ay talo ku lahaadaan maamul goboleedka loo samaynayo kana soo hor jeeda qorshe ay Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud wadato,ayaa waxba kama jiraan ka dhigay ib kulankaa wax is afgarad ah laga gaadho ka dib markii ay Madaxweynaha Soomaaliya soo hor dhigeen qodob ay hore ugu gudbiyeen Raysalwasaaraha Soomaaliya oo ay isla qaateen.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland