Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha hay’adda Bisha cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal,ayaa ka hadlay mashaariicda ay Somaliland ka wadaan oo ay laban aabeen isla markaana kor ugu qaadeen xilliga abaarta taasoo uu sheegay in ay gacan kaga geysanayaan gurmadka Samato Bixinta ah ee lagu badbaadinayo dadka ay baaruhu waxyeeleeyeen.
Waxaa kale oo uu ka hadlay Guddoomiye Bakaal mashaariic horumarineed oo ay dalka ka wadaan isla markaana horeba u socday oo ay laban laabayaan.
Waxaanu intaa ku daray in gargaar caafimaad oo socda ay ka wadaan gobolada Sool,Sanaag,Awdal iyo Maroodijeex isla markaana ay sii laban laabayaan gargaarka caafimaad ee socda oo ah Farmasi wareega oo gaadhi saaran isla markaana Gobolada Awdal iyo Maroodijeex ay ku kordhinayaan min laba gaadhi taasoo ka dhigaysa Maroodijeexna Sadex gaadhi oo degmooyinka gobolka ku wareega Awdalna laba halka Sool iyo Sanaagna ay yihiin min laba gaadhi.
Waxaa kale oo uu sheegay in ay hawshaa bilaabayaan 01/04/2016,ka. Oo mqqlmo koobqni qy inqgq xigaan.
Waxaa kale oo ii intaa ku daray in ay dadka xooluhu ka bexeen ama beeruhu ka bea,een xilliga abaarta ee jilicsan in ay dhawaan u qaybin doonaan lacag ay noloshooda kor ugu qaadaan oo sadex bilood ah.
“Waxaanu gurmad caafimaad oo joogto ah ka wadnay markii horeba gobolada Awdal,Maroodijeex.Sool iyo Sanaag laakiin Sool iyo Sanaag wuu naga yara joogsaday laakiin markii abaartu dadka taabatay dib ayaanu u baliwnay oo gaadiidkii caafimaadka ee ahaa Farmasiga wareega oo gobolada Sool iyo Sanaag ay ka hawl galayeen min laba gaadhi dib ayaanu ga bilawnay waanay socdaan oo gurmad caafimaad oo joogto ah aya deegaanka ka wadaan.
“Awdal iyadana way ka socotaa imikana waxaanu ku daryanaa gaadhi kale si aanu uga qayb qaadano gurmadka iyo samato bixinta dadka ay abaaruhu taabteen,Maroodijeexa waxaanu ku daraynaa laba gaadhi oo kale si ay degmooyinka gobolka oo dhan uga wada hawl galaan.’” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland Axmed
Waxaa kale oo uu ka hadlay dib u dejin ay u samaynayaan dadka jilicsan ee ay abaartu taabatay oo uu sheegay in ay siinayaan lacag ay noloshooda dib ugu soo kabana.
“Waxaa kale oo qorshaha noogu jirta in aanu lacag siino dadka jilicsan ee xoolohii ka bexen ama beerihii ka ba,een ee ku tabaalooay abaaraha,waxaa kale oo qorshaha noolgu jirta in aanu beeraha u qodno dadka aan awoodin in ay qotaan oo ay iska bixiyaan lacagta qodista ee cagafta.”
Waxaa kale oo uu ka hadya Guddoomiye Bakaal oo waraysi siiyay Tifatiraha Xogsoormedia.com mashaariicda ay wadaan iyo mudadad ay soconayaan.
“Qorshayaashayaduna maaha qaar xilliga abaarta uun ku eg laakiin waa mashaariic soconaya muddo sanad ah waxaana ku jirta in aanu dadka lacag siino, in aanu beeraha u qodno in aanu digaag u dhaqno iyo gurmadka caafimaad ee ah farmasiga wareega ee soconaya ee qofka halkiisa ugu tegaya kuna soo dawaynaya.”
Dhinaca kale Guddoomiye Axmed Cabdi oo shalay warbaahinta u waramay ayaa ka war bixiyay hawlaha Bisha Cas ay kaga qayb qaadatay abaaraha dalka ku habsaday iyo deegaamada ay tageen iyo Waxyaanaha ay dadka gaadhsiiyeen
Bakaal oo shalay warbaahinta ugu waramay xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday, in Bisha Cas dhamman gobollada dalka ka wadaan mashaariic sare loogu qaadayo dadka noloshooda. Waxaana jawaabahii uu ka bixiyey ay u dhaceen sidan:
Mar la weydiiyey dhacdadii dhimashada dadka ee abaarahu keeneen, kaalintooda, wuxu yidhi “Aafadii dhimashada dadka ee abaaraha gobolka Awdal ururka Bisha Cas biyo-dhaamin keliya kagama qeybgelin, laakiin adeeg caafimaad guurguura oo hore u shaqeynayey iyo mid mashruuca ku jira oo nafaqeyn ahba waanu ka hawlgelinay, oo isagoo aan mashruucii weli soo dhamaan saxeexyadiisii, balse mabda’iyan ogolaanshahiisa aanu haysanay, waxaan khasab kaga dhignay qolada Finland iyo jarmalkaba inay lacagta horumarin ka dhigaan si taakulaynta aanu wado ugu sii bilowno, ilaahay mahadii waanan ku guulaysanay, oo waanu wadnaa.
Aagaga dadkii tuulada Qulu-jeed ku soo qarax waxaanu geynay bacaha hoyga laga dhigto iyo agab kale, isla markaana muta-dawaciinta Bisha Cas ayaa ka shaqeeya, waxyaalo kala duwan ayaa dhinacyo xukuumada Somaliland ku jirto geeyeen, laakiin dadka meesha jooga ma awoodaan inay shaqeystaan ama cunto karsadaan, waxuu Gudoomiyaha Awdal Ramaax naga codsaday inaan hawshaa cunto-karinta dadkaa jilicsan ururka Bisha Cas fuliyaan, waanan wadnaa, intaasi waa taageerada degdeg ee ilaa wakhtigan aanu qabanay, laakiin, maaha mid halkaa ku joogsatay, oo waajibaadkayaga ayey ku jirtaa wax-la-qabashada dadku.
Mar la weydiiyey maadama dadkii badankoodii wax walba ku waayeen abaaraha, inay jiraan qorshe uga yaal dib-u-dejintooda ayuu ku jawaabay “Mashruucayagu waxuu koobsanayaa waxyaalo badan oo dadka lagu taageeri doono oo iman doona, oo ka mid noqonayaan marka roobku yimaado in bulshada inta ugu jilicsan qaarkood labada gobol ee Awdal iyo Maroodi-jeex saacado loogu qodo beeraha, maadama dhaqaalaha loo qorsheeyey kooban yahay, ama laga taageero qoysaska ugu sii jilicsan inta beerahu u baxayaan in la siiyo lacago raashin ay muddo saddex bilooda noolaadaan, waa tiro kooban, dadkoo dhan ma wada gaadhi karto, laakiin kolay dad baa ka faa’iidaysan doona, iyaba waa waxtar u soo kordhay.
Mashaariicaha ugu muhiimsan ee ururka Bisha Cas guud ahaan dalka ka wado, mar la weydiiyey waxaanu yidhi “Mashruuc la yidhaahdo la-dagaalanka gaajada, oo qolada bisha Cas ee dalka Iran naga caawinayso, oo muddo soconaya wuu jiraa, gobolada Sool iyo Maroodi-jeex qeybo ka mid ah ayaa laga fulinayaa oo qoladii maalgelisay dooratay. Mashraariic kaloo nolosha dadka wax lagaga bedelayo oo guud ahaan gobolada dalka ka socda ayaa jira, isla markaana qolo Jarmal ah wadaan, sida laba mashruuc oo dadka wax badan lagaga caawinayo, sida in berkedo loo qodo, daamam loo xidho, ama meelaha qaarkood laga caawiyo dhaqashada digaaga, si dakhli noloshooda kaba uga helaan, qaar beero shinni ah loo sameeyo ama qaarkood dhinaca beeraha laga caawiyo. Gobol walba afar ururo bulsho (community) ayaan la shaqeynaa, qaarkood waanu bilownay, kuwa kalena bisha April ayey bilaabmayaan, waa mashaariic saddex sannadood soconaya. Mar walba Bisha Cas waxuu dadka u tari karo ayuu u taagan yahay.”
Mar Guddoomiye Bakaal ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey qaabka mashaariicaha ay fulinayaan dadku uga faa’iidaysanayo, in dadku soo qoranayaan, ama Bisha Cas iyadu qorshaynayso meelaha laga fulinayo, ayuu yidhi“Dhammaan mashaariicaha aanu wado, hay’adaha nala shaqeeya ma ogola sidii beryahii hore loo fulin jiray, ama qof soo codsan jiray, waxaanu bilowga samaynaa sahamin guud ahaan deegaamada mashaariicaha laga fulinayo, markuu soo dhamaado ayaa la doortaa meelaha ugu sii baahi badan, waxaanan dhamaan hawlaha iskaashi kala yeelanayaa bulshada deegaamada laga fulinayo, ka dib marka tababaro la siiyo tiro qeybaha bulshada ah, iyadoo lala wadaagayo caqabadaha soo waajaha ama aafooyinka soo waajaha, waxa ay dadku qabsan karaan iyo fikradahooda sida wax looga qaban karo, ama taageerada dhaqaale ay dhinacooda ku darayaan fulinta mashaariicaha wax lagaga qabanayo. Marka mashruucu dhamaado saddex sannadood dabadeed, insha alaah, hay’ad kastoo wax-ka-qabanaysa deegaankooda iyagay kala xidhiidhaysaa, wada shaqeyna yeelan doonaan.”
Mar la weydiiyey caqabadaha urur ahaan kala soo gudboonaada fulinta waajibaadka saaran ama baaqyo ay jeedinayaan waxa uu yidhi “Xaqiiqdii, caqabadahu ma yara, oo xaalad kastoo soo waajahda bulshada aan la shaqeyno culayskeeda annagana saamaynteeda ayey nagu yeelanaysaa, sidaan waxa uga qaban lahayn. Ta kale, waxa jira culaysyo badan ama dib-u-dhacyo ku yimi helitaanka dhaqaalahii aanu ku fulin lahayn mashaariicaha, ama sida wakhtigan qeybo ka mid ah mushaharooyinka madaxda ama shaqaalaha kala duwan qaarkood, maadama dhinacyo kala duwan bixiyaan, una sabab tahay xanibaadaha iyo culayska baananka caalamku ku soo kordhiyeen lacagaha loo diro Soomaaliya ama Somaliland. Taa macnaheedu maaha, in hakad ku yimi ama la joojiyey mushaharkii, laakiin waa caqabad iyo culays saamayn ku yeelan kara habsami u socodka hawlahii iyo mashaariicda aanu wadnay, markaa waxaan baaq qeylo-dheer ugu sheegaynaa dhinacyada ay khusayso, sida baananka caalamku inay fududeeyaan sidii dhaqaalaha hay’adaha gargaarku ku shaqeeyaan looga yarayn lahaa caqabadaha ku keena dib-u-dhacyada, taasoo, sii balaadhin karta halistii hay’adahu ka
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland