Hoggaanka KULMIYE Ee Garabka Isbahaysiga Oo Deedafeeyay Qoraal KULMIYE Xisbiga Kaga Saaray Xubno Ka Tirsan Garabkooda

0
358

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Hoggaanka KULMIYE ee garabka Isbahaysiga isbedel doonka KULMIYEayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal shalay ka soo baxay xafiiska afhayeenka Xisbiga KULMIYE oo lagu shaaciyay in xisbiga xbinnimadiisii iyo gudigii fulint iyo golaha dhexeba laga saaray shan xubnood oo ka mid ah garabka isbahaysiga KULMIYE oo ay hoggaaminayaan xubno ka tirsan Hoggaanka KULMIYE ee mar lala doortay Guddoomiye Muuse Biixi kuwaasoo kala ah Guddoomiye ku-xigeenanada labaad iyo sadexaad ee KULMIYE.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee Xisbiga KULMIYE  oo lagu deedafeeyay qoraalka hore uga soo baxay afhayeenka KULMIYE oo  ay ku sheegeen in uu ka soo baxay garab ka mid ah KULMIYE oo uu hoggaamiyo Muuse Biixi ayaa u dhignaa sidan.

wssss

Ref. KDC/08/012/2006

Ujeedo: Dedefayn Qoraalka ka soo baxay Garabka Gudoomiyaha Muuse Biixi.

Tixraac Qoraalka sumadiisu tahay XK/XGX/0042185/2016 kuna taariikhaysan 23/03/2016 kana soo baxay xafiiska garabka kulmiye  ee Gudoomiye Muuse Biixi ee lagu faafiyay warbaahinta ujeedadiisu ahayd lumin Xil iyo Xubinimo xisbi.

Hadaba shir ay isugu yimaadeen Hogaanka, gudiga fulinta iyo xubnaha golaha dhexe ee garabka Isbahaysiga Dumuquraadiga ee Xisbiga Kulmiye waxay soo saareen War-murtiyeedkan :

  1. In aany jirin xubin ka tirsan garabka Isbahaysiga Dimoquraadiga Kulmiye oo lumisay xilalkeedii iyo xubinimadeed xisbiga kulmiye.
  2. In aanu jirin shir loo dhanyahay oo hogaanka iyo gudiga fulinta xisbigu Iskula-qaateen luninta xillalka iyo xubinimada Xisbiga kulmiye.
  3. In Gudigii Isbahaysiga ee loo magacaabay la xaajoodka

siyaasadeed ee xisbiyada ay sidoodii yihiin sharci u diidayaana aanu jirin.

Gebogebadii:-

Qoraalka ka soo baxay xafiiska garabka gudoomiyaha wuxuu muujinaysaa fashilka hogaamineed  ee Muuse Biixi oo xaaladiisu wakhtigan marayso “neef la gawracay geedo kama waabto” iyadoo xisbigii kulmiye labo garab u kala fadhiyo hadana u tafaxaytay Xasarado aan kala joogsi lahayn ee ay ugu danbaysay faraglinta Saldalada guunka ah iyo birma-magaydada madax-dhaqameedka.

Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye

Xil. Maxamed X. Yuusuf  Waabeeye…………………………………………………………….

Gudoomiye Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye

Xil. C/raxman Maxamed Talyanle…………

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here